Maxay DF iyo beesha caalamka ka doonayaan madaxweynaha Galmudug?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug oo lagu caleemo saaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa horyaalo howlo badan oo shacabka Galmudug ay ka sugayaan.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf, madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa waxaa laga sugayaa inuu soo dhiso xukuumada maamulkiisa, taasi oo ka shaqeyn doonto shaqooyinka adag ee horyaala.

Mr Xaaf waxaa uu dhawaan baarlamaanka ka hor sheegay inuu ka shaqeyn doono horumarinta deegaanada Galmudug, dib u heshiisiinta iyo sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha maamulkaasi.

Dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa ka doonaya madaxweynaha cusub ee Galmudug inuusan soo dhisin golahiisa wasiirada ilaa uu xal kaga helayo maamulka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe.

Beesha caalamka ayaa ugu baaqay inuu marka hore wadahadal dhab ah la furaa Ahlu sunna kadib marka heshiis la gaaraya uu soo dhisaa golaha wasiirada si markaasi awood qeybsiga ay qeyb kaga noqdaan.

Ahlu sunna ayaa horey u dooneysay iney qeyb ka ahaato doorashadii ka dhacday magaalada Cadaado balse sharuudo ay soo bandhigtay ayaa noqon waayay kuwo socon waayay.