Maxay doorashada guddoonka BF nooga sheegeysaa qofka noqon doona madaxweyne?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ololihii ugu dambeeyey ayey ku jiraan Murashixiinta u taagan Guddoomiyayaasha Labada Aqal ee Barlamaanka cusub iyo Ku-xigeenadooda, iyadoo ay Xilalkaasi ku loolami doonaan 22-Murashax.

Waana Hiddo-siyaasadeed iyo Hanqal-taag Xil-doon inay Murashixiin badan ku loolamaan Xil-qaran, balse waxaa mudan in Halbeeg lagu sameeyo Murashaxiinta iyo heerka u ugaarsiisan yahay Hankooda Siyaasadeed.

Xaallad ugub ah ma aha inay Murashixiin badan isku diiwaan-geliyaan Xil-doonis, balse waxaa mugdi ku jira qaabka ay Cod-bixiyayaasha ugu codeeyaan Murashixiinta.

Anfariir cusubna ma aha in Murashixiinta lagu xusho xeellado kala duwan, sida aan ka dheehan karno Doorashooyinkii soo maray dalka, gaar ahaan Doorashooyinkii ugu dambeeyey ee ay ku soo baxeen Xildhibaanadda Laba Aqal oo iyaga su’aal ka taagan tahay Qaabka loo soo doortay.

Waana naadir, Murashax hela Taageero badan, isagoo aan gacan dufanaysan u dhiibin dadkii isaga u cimaamadi lahaa Xilkaasi.

Mashaqo Siyaasadeed oo ay dadka Soomaalida iyo Beesha Caalamka ka muujiyeen qeylo-dhaan ayeyna ahayd Doorashadii ka kala dhacay magaallo-madaxyadda Maamul-gobaleedyadda, waana la dareemi kara inay Doorashadaasi 100% ka fogayd Doorasho Hufan oo lagu kalsoonaan karo.

Xildhibaanadda Labada Aqal ee Barlamaanka ayaa laga dareemi karaa inay ku kala Aragti duwan yihiin Itijaaha Siyaasadda iyo Doorashadda Madaxda cusub ee dalka.

Xogaha Hoose ee la helayo ayaa muujinaya inay jiraan dhowr Kudlad oo ku mideysan Qaab Beleed, Maamul-gobaleed, mid Kooxeysi iyo Danley Kala-socota, kuwaasi oo go’aanka ay kala qaataan saamayn ku yeelan karta Cod-bixinta Guddoonka Barlamaanka iyo tan Madaxtinimadda ee la filayo in lagu kala baxo ka hor bishan January 20-da.

Miisaanka ugu culus waxa uu ka imaan karaa Kudladda Isbahaysiga Beeleedka ku sidan Maamul-gobaleedyadda ee Marjaca go’aanka ay qaadan karaan uu Marjac u yahay Madaxda Maamul-gobaleedyadda iyo Cuqaasha ama Isimadda oo wadajira.

Waxaa kaloo jirta Kudlad Ujeedo badan oo aan haatan jabaqdooda la maqlin, balse lagu soo baraarugi doono marka la gaaro Xilliga Cod-bixinta ee uu Musharax kasta oo Madaxweyne u heelan yahay inuu qaab kasta adeegsado si uu mar uun ugu guuleysto Kursiga Madaxtinimadda.

Waana hubaal in Xildhibaanadda haatan u xuub-siibanayo Heerka Qaranka inay weli Cadiifadda Beeleed iyo tii Maamul-gobaleed weli u tahay Mudnaanta Koowaad inta lagu jiro Xilligan Kala-guurka Siyaasadda.

Waana macquul inay Xildhibaanaddaasi albaabka ka laaban doonaan Marjaca Maamul-gobaleedyadda, haddii lagu kala baxo Doorashadda Madaxda cusub, gaar ahaan Madaxweynaha 10-aad ee JFS.

Xaqiiq ahaan waxaa aad loo hadal hayaa inay Doorashadda Guddoonka Barlamaanka saamayn ku yeelato Doorashadda Madaxtinimadda, gaar ahaan waxay natiijo kasta shiiqin kartaa Damaca Murashaxiinta ka tirsan kuwo u taagan Madaxtinimadda, gaar ahaan Murashaxa Guddoomiyaha Aqalka Hoose ku soo baxo Murashax Beel Hebel, waxay saamayn ku yeelan karta isla Murashaxa u taagan Madaxtinimadda ee ay isku haybta yihiin Guddoomiyaha la dooran karo.

Waxaana la dhihi karaa Doorashadda waxaa ku hor gudbanaan doonta Jid-gooyooyin badan oo laga dhaxlay Xaalladda Meertadda xilligan ay Soomaalida wax ku kala qeybsadaan.

Si kastaba ha ahaatee, Ma laga yaabaa inay Doorashadda Guddoonka Barlamaanka saamayn ku yeelato Doorashadda Madaxtinimadda?

Xigsho: Radio Dalsan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

 

SHARE