Maxay golaha Wasiirada maanta kala kulmi doonaan xildhibaanada BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Xildhibaanada BFS ayaa shaaca ka qaaday inay rajeenayaan in Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia maanta lasiiyo codka kalsoonida.

Xildhibaanada ayaa sheegay in la xaliyay murankii ka dhexeeyay Xukuumada iyo Baarlamaanka, sidaa darteedna ay Ansixin doonaan Golaha Wasiirada.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Jimcaale oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kamid ah Mudanayaasha rajada ka muujiyay meelmarinta Wasiirada.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Jimcaale, ayaa cadeeyay in go’aanka la gaaray uu iminka yahay in la Ansixiyo Golaha Wasiirada, balse uusan ogeyn waxa soo kordhi doona.

Xasan Kheyre Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa lagu wadaa inuu hogaamin doono Wasiirada la horgeyn doono BFS.

Dhinaca kale, Xildhibaanada BFS ayaa horay loogu wargaliyay inay soo xaadiraan Xarunta si loo meelmariyo Wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com