Maxay Hogaamiyayaasha Maamulada dalka ka yiraahdeen Guusha Jawaari?

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada dalka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Guusha Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu ka gaaray Doorashada Guddoomiyenimada Baarlamaanka Somalia.

Hogaamiyaha Jubbaland, Hirshabelle iyo Galmudug, ayaa sheegay in Guusha Jawaari ay muujineyso in Somalia ay ku talaabtay Horumar dhanka Doorashooyinka.

Seddexda Hogaamiye ayaa u hambalyeeyay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Waxa ay si wadajir ah u sheegen inay rajeynayaan in guul ay ku dhamaato Doorashooyinka Ku-xigeenada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha Cusub ee dalka.

Hogaamiyayaasha Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaan wali ka hadal Doorashada, waxaana xusid mudan in Koonfur Galbeed ay wadatay Xildhibaan Xiddig, halka Puntland ay iyaduna kasoo horjeedo hanaanka Doorashooyinka.

Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari oo helay 141-cod Doorashadii maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa wuxuu noqday Guddoomiyihii ugu horeeyay ee Baarlamaanka Soomaaliya oo labo mar oo isku xigta la doorto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com