Maxay ka dhigan tahay taageerada Puntland ay siisay xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka?

Garoowe (Caasimada Online) – Maanta waxaa saxaafadda soo gaarey war saxaafadeed ka soo baxay Puntland oo ku noran farta Ingriisiga, kaas oo looga hadlayo taageerada Puntland ay u hayso dalalka ay xiriirka dheer la lahayd ee Imaaraadka iyo Sucuudiga ee xayiraada ku soo rogay dalka Qatar.

War saxaafadeedka ayaa lagu yiri waxaan garawsaney in muranka khaliijka ka aloosan aan la xalin karin wakhtiyadan dhaw, taas oo Soomaaliya ay ku reebi karto raad dhanka amniga iyo dhaqaalaha ah sidaas darteed Puntland waxay caddeyneysaa taageerada ay u hayso saaxiibadada soo jireenka ah oo aan ka magacaabeyno Imaaraadka iyo Sucuudiga.

Bishii Juun 2017 ayaa Sucuudiga, Isutagga Imaaraatka Carabta, Baxrayn iyo Masar xiriirka u jareen dalka Qatar, waxaana ay ku soo rogeen cunno qabetyn dhankasta ah, Sucuudiga ayaa ugu baaqey dalalka ay saaxiibka yihiin ay sameeyaan sidaas oo kale waxaana daba galay dalal badan oo ay kamid yihiin Jabuuti iyo Sinigaal sidoo kale Jamhuuriyadda iskeed isu magacaabtey ee Somaliland (Waqooyiga Somaaliya) ayaa iyaduna isla maalmahaas ku dhawaaqdey in ay taageertey xulafada Sucuudiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaadatey mowqif dhex-dhexaad ah, waxaana ay diidey in ay faraha la gasho khilaafka dalalka Khaliijka. Go’aanka Soomaaliya ayaa noqdey mid lagu kala aragti duwan yahay, in badan oo kamid ah ganacsatada iyo qaar kamid ah Siyaasiyiinta ayaa aaminsan in wax badan uga dhumayaan go’aankaas Soomaaliya, waxay ku doodayaan in Soomaaliya wax xiriir ganacsi ah aysan la wadaagin Qatar marka laga reebo in ay Siyaasiyiin jeebka lacaago uga buuxshaan maahee, laakiin xiriir soo jireen ah oo ganacsi iyo iskaashi ah Soomaaliya la wadaagto Sucuudiga Qatar iyo weliba Masar. Fikirkaas waxaa diidan in badan oo kamid ah shacabka Soomaaliyeed waxaana ay u arkaan Sucuudiga iyo Imaaraadku aysan waxba u qaban Soomaaliya sodonkii sano ee burburka, abaalna aysan gashan sidaas darteed aysan qaadan karin amar ku taagleyn, lagu diraayo dalal saaxiib ah sida Qatar iyo Turkiga.

War saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa Dowladda Federaalka loogu baaqey in ay dib uga fiirsato go’aankeedi dhex-dhexaadka ahaa. Puntland waxay canbaareysey dalalka iyo hay’adaha taageera argagixisada, ma aysan sheegin magaca dalka Qatar. Xulafada Sucuudigu waxay Qatar ku eedeeyeen in ay taageerto ururo argagixiso ah.

Puntland waxay kamid tahay Soomaaliya maaha dal madaxbanaan oo go’aankiisu uu wax ka beddeli karo siyaasadaha caalamka waxaa dhici karta in ay cadaadis saarto Dowladda Dhexe ee Soomaaliya u metesha siyaasadda dibadda.

Waxaa la is weydiinayaa maxay tahay sababta go’aanka Puntland sidaas ugu soo daahey? Maxay mawqofkeeda ugu bandhigi weydey Dowladda Federaalka, uguna cadaadin wrydey danaha muhimka ah ee ay hadda ka hadleyso, muxuuse uga dhigan yahay yahay go’aanka soo daahey dowaldaha ay sheegeen in ay saaxiib soo jireen ah yihiin? Go’aanku waxa uu ku soo beegmay, xili Madaxweynaha Puntland iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada si khaas ah loogu casumey mawsimka Xajka in ay sanadkan ka qayb-qaataan? Sidoo kale waxa uu ku soo beegmayaa xili shirkadda weyn ee DP World ay la wareegeyso Dekadda Bosaso lacag hormarin ahna u bixisey $15 milyan oo dollar, go’aanka Puntland wuxuu kale oo ku soo beegmayaa xilli dowladda Imaaraadku ay qorsheyneyso in ay dib u bilowdo taageerada ciidanka Puntland ee ee Ilaalada badda ee PMPF, kaas oo hakad galey marar kala duwan.

Madaxweynaha Puntland ayaa booqasho ku tegay dalka Sucuudiga bishii Abril 2016,waxaana uu kala yimid ballanqaad aad u weyn sida uu dhankiisa sheegay sida dhismayaal dekado iyo jidad iyo weliba maalgashiga beeraha iyo Kaluumyesiga, ma jirto wax ka fuley ballan qaadka Madaxweynuhu sheegay in uu Sucuudiga kala yimid.

Hoos ka akhri go’aanka Puntland

Isha: HM