Intee la egtahay rajada laga qabo ansixinta golaha wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa rajo wanaagsan laga muujinayaa ansixinta golaha wasiirada cusub oo dhawaan la filayo in la horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya si ay u helaan codka kalsoonida.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegaya in rajo wanaagsan ay qabaan golaha wasiirada, maadaama inta badan beelaha lagu qanciyay liiska golaha wasiirada beelo gaar ah oo tabashooyin qaba mooyee.

Sababta rajada ugu badan looga qabo ansixinta wasiirada ayaa ah inay ku dhex jiraan inka badan 40 xildhibaan oo baarlamaanka ka mid ah, kuwaasi oo saaxiibadood ku qancin kara inay codka kalsoonida siiyaan.

Wasiirka ka tirsan Galmudug ayaa dhankiisa sheegay inay soo dhaweynayaan liiska golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya, waxaana uu ka dalbaday baarlamaanka inay codka siiyaan wasiirada cusub.

Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa dhankiisa isla shalay soo dhaweeyay wasiirada cusub ee xukuumada Soomaaliya.

Wasiirada ayaa durba mucaarad kala kulmay xildhibaanada kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com