Maxay tahay sababta keentay in la xiro inta badan jidka Makka Al-Mukarama

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidan katirsan Dawlada Soomaaliya ayaa waxay maanta xireen dhaq dhaqaaqii guud Ee Wadada Maka Al Mukarama Ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa la arkayaa ciidan hubeysan oo xiray wadada udhaxeysa Isgosyka Shaqaalaha ilaa Midka Soobe waxaana gaadiidka loo diiday inay isticmaalaan Halkaasi.

Shacabka oo lugeenaya ayaa lagu arkayaawadada mashquulka badneyd ee Maka Al Mukarama oo gaadiidka inay adeegsadaan laga mamnuucay.

sIda xogta ay ku heleyso Caasimadda Online, Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeybgalayo imtixaanka jaamcadda Umadda Soomaaliyeed.

Imtixaanka ayaa la sheegay in lagu galayo goobo farabadan, wuxuuna Kheyre kormeer ku tagay jaamcadda Soomaaliya, qeybteeda Km4 oo kamid ah qeybaha ay ka socdaan imtixaanka jaamacadda Umadda Soomaaliya.

Inta badan jidadka Makka Al-Mukarama ayaa la xiray iyadoo ay xusid mudan tahay in xataa la xiray jid cadayaasha soo galo Laamiga, taasoo dhibaato xoog leh ku noqotay dadka iyo gaadiidka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Muqdisho waddooyin ka mid ah la xiro dhowr jeer ayaana sidaan oo kale la xiray oo dadka iyo gaadiidka loo diiday wadadaasi.