Maxay tahay sababta wasiir Aadan Ibraahim Xirsi uga cararay Kismaayo?

Kismaayo (Caasimada Online)-Aadan Ibraahim Xirsi (Aadan Ciro) wasiirkii cadaalada ee Jubbaland ayaa shalay wareejiyay warqadiisii iscasilaada xilka uu ka hayay maamulka Jubbaland.

Wasiirkii hore ee cadaalada ayaa warqada iscasilaada u gudbiyay golaha wasiirada ee maamulka Jubbaland, waxaana uu sheegay in shalay ay aheyd maalintii ugu dambeysay ee uu xilkaasi hayay.

Wasiirka ayaa sababta uu isku casilay wuxuu ku sheegay inay tahay cadaadis badan oo uu kala kulmay madaxda Jubbaland, iyadoo aan loo madax banaaneyn shaqada xafiiskiisa.

Wasiirka ayaa haatan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana shalay markii uu xilka iska casilay uu ka cararay magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya sababta iscasilaadiisa ka dambeysay, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu ka baxay xaga amaanka.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in looga yeeray magaalada Nairobi, laguna cadaadiyay inuu xilka iska casilo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com