Xog: Maxay tahay sababtii ugu weyned ee fashilisay wada hadaladii Ahlu Sunna iyo Galmudug?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa si rasmi ah u burburay wada hadaladii u dhaxeeyey Ahlu Sunna iyo Galmudug kadib asbuuc Magaalada uu uga socday shir ay hormuud u aheyd dowladda dhexe ee Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Haddaba wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa soo saartay war murtiyeed ku saabsan shirkaas, waxayna ka dhawaajisay inay labada dhinac muhiim tahay inay wadahalada sii wadaan isla markaasna doorashada Galmudug la qabto waqtigii loo qorsheeyey ee ahaa 30 Bishaa.

Haddaba waxaa is waydiin mudan yaa sabab u ahaa burburka wada hadaladaas la filayey inay kasoo baxaan waxyaabo dan weyn u ah Gobolada dhexe maadaama Ahlu Sunna ay heysato inta badan Gobolka Galgaduud oo ka tirsan deegaanada Maamulka Galmudug.

Marka la fiiriyo shuruudaha adag oo ay Ahlu Sunna miiska soo saartay, waxaa meesha ka muuqaneyso inay Ahlu Sunna Sabab u tahay inuu burburo wada hadalkaas inkastoo xubnaha ka socdo Galmudug ay iyagana dabka sii huriyeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawr jeer isku dayday inay qanciso Ahlu Sunna, balse marnaba ma aysan dhicin in Ahlu Sunna la qanciyo, maadaama shuruudaha ay wataan ay yihiin kuwa aan macquul aheyn 80%.

Ahlu Sunna oo og awoodeeda ayaa xoog saartay sidii ay 50% u heli laheyd awood qeybsiga xubnaha Galmudug iyadoo aan meesha laga saareyn awood qeybsiga beelaha, midaasna waxay noqotay culeyska ugu weyn oo ay Ahlu Sunna la timaaday shirka.

Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa codsatay in dib loogu laabto Baarlamaanka Galmudug, isla markaasna loo ogolaado inay soo xulato 50% xubnaha Baarlamaanka iyadoo loo firinayo awood qeybsiga beelaha.

Haddaba, dadka falanqeeyo siyaasadda ayaa aaminsan in Ahlu Sunna aysan diyaar u aheyn inay ka mid noqoto Galmudug, haddii aan shuruudahaas loo sameyn, midaasna waxay noqotay caqabadii ugu weyneyd ee keentay inuu burburo wada hadaladaas.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso shuruudaha xasaasiga ah oo ay Ahlu Sunna dalbatay in loo fuliyo si ay qeyb uga noqoto Galmudug?

1- In la dhiso Baarlamaan cusub oo ka kooban 90 xubnood.

2- Inaysan aqoonsaneyn Maamulka Galmudug.

3- In Baarlamaanka Cadaado la baabi’iyo

4- In Maamula Goboleedka Gobollada Dhexe ay ku soo biirto kooxda maamulka Cadaado.

5 In xubnaha Baarlamaanka 60 ka mida ay ka yimaadaan Ahlu suna.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET