Michael Keating oo arrimo halis ah uga digay xildhibaanada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa ka digay in Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Somalia dalka dib ugu celshaan burbur.

Michael Keating, ayaa sheegay in Burburka Somalia uu imaankaro keliya marka Xildhibaanada ay Madaxweynaha cusub ku xushaan dhaqaale.

Michael Keating, waxa uu sheegay in mar waliba la heli karo dhaqaale balse aan marnaba la heli doonin Madaxweyne daacad ah oo aan lagu dooran dhaqaale.

Keating, waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in Xildhibaanada ay dhaqaale ku doortaan Madaxweynaha cusub oo aan la garankarin waxa uu qaban doono.

Xildhibaanada BFS ayuu uga digay in Musharaxa ay kusoo xushaan dhaqaale waxa uuna taa bedelkeeda ku baaqay in cida Madaxweynaha noqon doonta lagu xusho howlkarnimo.

Haddalka Michael Keating, ayaa u muuqda mid ku socda Xildhibaanada iyo Musharaxiinta, waxa ayna tani cabir u noqon doontaa Xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com