Mid ka mida dhaawacyadii la geeyey Turkiga oo dhintay (Sawir + Magaciisa)

Ankara (Caasimadda Online) – Cabdulqaadir Maxamed Xuseen (Barqadle) oo ah Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya Turkiga oo loo xilsaartay ka warqabka xaaladda dhaawacyada dalkaas la geeyey oo la hadlay Shabakadda Caasimadda Online ayaa xaqiijiyey inuu geeriyooday mid kamid ah dhaawacyadii la geeyey dalkaas.

Cabdulqaadir ayaa sheegay in ninka dhaawaca u geeriyooday lagu magacaabi jiray Mahad Ibrahim Siyaad oo ahaa 33 jir, waxa uu ka gubtay jirka intiisa badan gaar ahaan gacmaha lugaha iyo wajiga wax jabiniin ah ma uusan qabin.

Waxaa Marxuumka geeriyooday la socday Khadar Ibraahim Siyaad.

Dhakhaatiirta Isbitaalka uu ku geeriyooday iyo dadweyne kale ayaa Saladda Janaasadda ku dukaday, waxayna Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga xaqiijisay in meydkiisa lagu aasay dalka Turkiga.

Geeirda Marxuumkaan ayaa kusoo aadeyso xilli Maanta ay Magaalada Muqdisho soo gaari doonaan 10 kamid ah dhawaacyadii dalkaas la geeyey oo kasoo caafimaaday dhaawacyadii kasoo gaaray Qaraxii Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com