Midowga Yurub oo arrin culus darteed ugu yeeray madaxweyne Xasan (Xog)

Midowga Yurub ayaa ugu yeeray madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud, xarunta ururkaasi ee magaalada Brussels ee caasimada dalka Belgium, halkaasi oo ay si rasmi ah ugu casuumeen.

Ilo Xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay arrintan, waxaana ay sidoo kale sheegeen in madaxweynuhu aqbalay casuumadda, islamarkaana uu baqooli doono halkaas.

Madaxweyne Xasan oo iminka kaga qeyb galaya magaalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa beri oo talaado ah tegi doona magaalada Brussels, sida aan xogta ku helnay.

Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga sababta madaxweynaha looga yeeray xarunta EU-da, hase yeeshee xogta aan helnay qarakeed waxa ay sheegeysaa in midowga Yurub uu qaadi doono tallaabo la mid ah tii Mareykanka, islamarkaana uu aqoonsan doono Dowladda Somalia.

Waxaa sidoo kale ay Somalia u yaboohi doonaan taageero maaliyadeed oo aad u culus, sida ilo-wareedyadu inoo sheegeen.