Miisaaniyadda sanadka 2017 ee baarlamanka la horgeeyay oo dib loogu laabtay

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa joojiyay aqrinta Miisaaniyadda Sanadka 2017-2018 oo ay dhawaan horgeysay wasaaradad Maaliyadda Soomaaliya taas oo ay ka dhasheen buuq badan iyo kalsooni daro soo kala dhax gashay Dowladda dhexe iyo kuwa maamul Gobaleedyada.

Xildhibaano ka tirsan Baarlmaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Golaha shacabka guddi ay iska soo xuleen iyo wasiirka Maaliyadda iyo sidoo kale wakiilo ka socda xafiisyada Madaxtooyada iyo Ra’iisal wasaaraha ay loo xil saaray soo dejinta Miisaaniyada dhaqaalo oo isku jaan go’an lagana saaro waxyaabihii muranka dhaliyay.

Xildhibaan-kaan oo ka tirsan Gudiga ka baxay Golaha shacabka ayaa sheegay in ay waxbadan ka qaldan yihiin qaabka loo diyaariyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2017 taasna ay sixi doonaan Golaha shacabka si aysan u imaanin is fahan daro soo kala dhax gasha dowladda iyo maamul gobaleedyada.

Arinta sida gaarka ah loo sixi doono ayaa ah Miisaaniyadda loo qoondeeyay in la siiyo Maamul Gobaleedyada, arinta ku saabsan Kumishinka la siinayo rugta ganacsiga oo labo garab u kala jaban, Mushaaraadka ciidanka Dowladda iyo in Miisaaniyadda lagu soo daro lacago lagu fuliyo mashruucyo dan ugu jirto shacabka oo cusub arimahaas ayaa ah waxyaabaha ugu waa wayn ee la soo sixi doono.

Qodobada kale qaarkood ayaa u baahan sixid balse waxa uu sheegay in arimahaan ay yihiin kuwa ugu badan ee muranka dhaliyay walaacna laga qabo in ay abuuraan kala fogaansho Dowladda iyo Maamul Gobaleedyada.

Golaha shacabka ayaa galay doodo kale kadib markii la hakiyay ama la joojiyay doodii iyo Aqrintii Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya ee sanadka 2017-2018.

Arintaan ayaa qaadan doonta ugu yaraan 2 Isbuuc sida ay ii sheegeen Xubnaha aan la hadlay iyadoo ay hada muuqato rajo ah in ay soo laabaneyso kalsoonida Maamul Gobaleedyada oo markii hore dib u garasho sameeyay.

W/Q/ Xuseen Cabdulle Maxamed
Email Rooma03@gmail.com

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com