Milan oo heshiis la gaartay kooxda Guangzhou Evergrande.

Kooxda AC Milan ayaa heshiis ganacsi la gashay kooxda Shiinaha ka dhisan ee Guangzhou Evergrande, oo uu macalin u yahay Marcello Lippi.

Waxaa la ogyahay inuu Agaasimaha Guud ee Milan Adriano Galliani kulan la qaatay kooxda Isbuucaan intii lagu jiray booqashadooda Talyaaniga, laakiin heshiiska ayaa hada xaqiijiyey.

“Adriano Galliani ayaa si niyad adeyg ah oo fiican usoo dhoweeyey madaxweynaha kooxda Shiinaha Ghuangzhou Evergrande, Liu Jong Zhuo,” ayaa lagu yiri Warbixn la aqriyey.

“Heshiiska ganacsi ee ka dhexeeya labadaan koox waa la saxiixay waana la iibiyey isgacan qaad iyo dhoola cadeyn ayaana dhamaanteen na dhex maray. Galliani wuxuu siiyey Madaxweynaha kooxda Shiinaha Funaanad ay No.8 iyo magaciisa Liu dhabarka dambe kaga xardhan tahay.

“Ghuangzhou waxay ku guulesatay Labadii Horyaalka ee ugu dambeeyey dalka Shiinaga. Guangzhou Evergrande waxay sanadkaan horyaalka ku qaaday 58 dhibcood, iyadoo shan dhobcood ka sareysa kooxda Jiangsu Sainty. Waxay guul gaareen 17 kulan, shan kulan barbaro ayey galeen, shan kulana guul darro ayaa soo gaartay waxayna dhaliyeen 51 gool marka loo fiirsho 29 gool oo usoo hartay farqi ahaan.”

Waxaa jiray warar xan ah oo ku saabsan heshiiskaan inay ciyaaryahano Shiineys ah bisha Janaayo amaah ku heleyso Milan iyadoo lagu kala bedelanaayo ciyaartoyda Akadeemiga.