Milkiilaha maqaayada The Village oo shaaciyey sababta ka dambeyso in QM ay xayiraad saarto maqaayadiisa

Muqdisho (Caasimadda Online) – Milkiilaha maqaayadda The Village oo dhawaan hey’adaha qaramada midoobay laga joojiyey inay shaqalahooda ka cunteeyaan ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta keentay in go’aankaan laga qaato maqaayadiisa.

Axmed Jaamac oo ah Milkiilaha Maqaayadda The Village taasoo qeyb badan ku leh Magaalada Muqdisho, ayaa ka sheekeeyey sababta keentay in maqaayadiisa qeybteeda Garoonka Aadan Cadde loo diiday inay shaqaalaha Qaramada Midoobay ka cunteeyaan.

Wuxuu tilmaamay inuu yahay go’aan looga soo horjeedo inay Maqaayadiisa tartan la gasho maqaayadaha shisheeye ee ku yeel gudaha garoonka Aadan Cadde International.

Wuxuu sidoo kala ka dhawaajiyey in muddo badan ay soo gaareysay digniino ku aadan in shaqaalaha Qaramada Midoobay ee xirada Xalane aysan ka cunteyn karin Maqaayadiisa, isagoo ku tilmaamay inay tahay dhibaato lagu hayo horumarka ganacsiga ee xilligaan ka socdo Soomaaliya

“Muddo badan ayaa digniino la iisoo direy oo ku aadan in shaqaalaha Qaramada midoobay ee ka howlgala Xarunta Xalane iyo kuwa ka dhoofa ama kasoo dega Garoonka in aysan ka canteyn karin Maqaayadeyda, runtii tani waa mid dhibaato ku ah horumarka Ganacsi ee xilligaan dalka ka socda…” ayuu yiri  Axmed Jaamac.

Hadalka Milkiilaha ayaa imaanayo kadib markii ay qaramada Midoobay u diiday shaqaalaheeda inay ka cunteeyaan maqaayadda The Villa oo ku taal garoonka Diyaaradaha Muqdisho isla markaasna ah maqaayad uu leeyahay ganacsade Soomaaliyeed.