Mo Farah oo Al-Qacidanimo loo xayiray

Wargeyska The Sun ee ka soo baxa magaalada London ayaa baahiyay wareysi uu la yeeshay orodyahanka Mo Farah, kaasi  oo uu ku xaqiijiyey in mudo saacado ah lagu haystey garoonka diyaaradaha magaalada Portland ee gobolka Oregon ee dalka Mareykanka.

Mo Farah waxa uu sheegay in laga shakiyay babasaboorkiisa oo lagu arkay Soomaali taana sababtay in la xayiro muddo.

Orod yahanka caanka ah ee asal ahaan ka soo jeeda soomaaliya balse heysta dhalashada Britian ayaa sheegay in isaga uusan walwal ka qabin shakiga la xariira in xariir uu la leeyahay kooxaha al-qaa’ida,maadaama uu sheegay inuu yahay nin caan ah oo aduunka laga wada yaqaano.Mo Farah wuxuu u sheegay saraakiishii su’aalaha waydiinaysay ee uga shakisay argagixisnimada in hadii ay isaga shaki ka qabaan in uu yahay Mo Farah ay eegaana cadeymaha uu haysto,“Ma Rumeysan karin in dhalashada aan ku dhashay Soomaaliya in la ii xiro ama tuhun la iga qaado, mar kasta oo aan imaado wadanka Mareykanka, laakiin markan waxaan watey cadeymihii biladihii aan ku guuleystey inkasoo aanay qaadan ama rumaysan{Kooxaha baarayaasha}” ayuu yiri Mo Farah oo 29 sano jir ah.Mo Farah wuxuu sheegay in xiligii uu loo qabtey shakiga argagaxisnimada in uu ka yimid magaalada Toronto ee wadanka Canada, isagoo xusey inuu doonayey in uu ka qaato wadanka Mareykanka deganaansho ay u diyaarisay shirkada Nike oo uu kula jiro heshiis, uuna ku tababarto xarunteeda,

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in Mo Farah markii la weydiiyay su’aalo badan islamarkaan la aqoonsaday ayaa waxa uu sheegay in loo ogalaaday in u dhaqaaqo halkii uu doonayay.