Mooshinka gudoomiyaha baarlamanka HirShabelle oo loo weeciyay Cosoble

Jowhar (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleno Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia, ayaa sheegaya in Mooshin laga diyaariyay Hogaamiyaha maamulka Hirshabeell, Cali Cabdullaahi Cosoble.

Xildhibaanada aan xogtaani la wadaagnay ayaa sheegaya in Mooshinka loola gol leeyahay in xilka looga qaado Hogaamiyaha maamulka.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Hogaamiyaha uu dayacay howlihii loo igmaday, isla markaana uu wakhtigiisa ku dhameystay Safaro aan dhamaan.

Waxa ay sheegen in xal laga gaaray Mooshinka Guddoomiyaha baarlamaanka, balse uu weli taagan yahay Mooshinka cusub ee iminka laga diyaarinaayo Hogaamiye Cosoble.

Mooshinka ayaa waxaa iminka la sheegay inay saxiixeen Xildhibaano gaaraya ilaa 23 Xildhibaan, waxaana suuragal ah inuu kasii bato tiradaasi.

Dastuurka maamulka ayaa dhigaaya in Hogaamiyaha uusan caasimada ka maqnaan karin muddo kabadan laba bil.

Sidoo kale, Hogaamiyaha maamulka ayaa deegaan iyo xafiis ka dhigtay magaalada Muqdisho, waxa ayna taa kor u qaaday tirada Xildhibaanada ee mucaaradka ku ah Hogaamiye Cosoble.

Dhawaan ayay aheyd markii Xildhibaanada HirShabelle ay shaqo joojin ku sameeyen Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka oo lagu eedeeyay inuu la saftay Hogaamiyaha maamulka oo shaqo gab lagu eedeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com