Mooshinkii Xasan Sheekh oo si farsameysan loo dilay (Go’aan yaab badan oo kasoo baxay BFS).!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo hadda u socda xildhibaanada ayaa la sheegay in la xiri doono, lana soo gabagabeyn doono 16-ka Bishan September oo ku beegan Khamiista fooda nagu soo heysa.

Guddiga joogtada ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay sharuucda hor yaalla golaha, xiritaanka kalfadhiga 6-aad Barlamaanka iyo hiigsiga 2016.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa shir guddoominayay shirka waxayna xubnaha guddiga joogtada ah ee golaha shacabka isku raaceen in 16-ka September uu xirmo kalfadhiga 6aad ee Barlaamaanka. kalfadhiya 7-aad ayaa furmi doona 15 oktoobar 2015.

Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo ah xoghayaha Golaha shacabka ayaa sheegay fasaxa Xildhibannada uu yahay muddo laba bilood ah, laakiin lagu soo koobayo Bil ah fasax ah iyadoo la gelayo wada-tashiyada ku saabsan hiigsiga 2016-ka.

Xiritaanka kalfadhiga lixaad ee baarlamaanka iyadoo aan meel la saarin mooshinka madaxweynaha ayaa sii nuxur beelinaya mooshinka oo hadda ay socoto qorshe wadahadal iyo waanwaan laga galayo, waxaana tani ay la macno tahay in Jawaari uu si farsameysan u dilay mooshinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com