MSF oo war kasoo saartay hadal kasoo yeeray Kenya oo quseeya Somalida

Nairobi (Caasimada Online) Hey’adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa warbixin ay soo saartay Jimcaha maanta, waxa ay ku sheegtay in ay ka walaacsan tahay xaallada dadka Soomaalida ee ku nool waddanka Kenya.

Hey’adda ayaa sheegtay in ay dowladda Kenya dhawaan ku amartay kumanaanka qof ee Soomaalida ah ee ku nool magaalooyinka in ay ku laabtaan xeryaha qoxootiga fogfog.

Hay’adda ayaa sheegtay in khatar xagga caafimaadka ay ka dhalan karto xilli roobyada gaar ahaan in cuduro dilaa ah oo safmareen ah ay dilaacaan xeryaha, kuwaasoo dhibaateen kara dadka taagda daran ee ku nool xeryahaas.

Warbixinta MSF ayaa lagu xusay in gargaarka dhadhaab laga bixiyo uu yahay mid aad uga gaabab ama aan dabooli karin baahida dadka sida uu sheegayo Dr. Elena Velilla,oo ah madaxa howlgalka MSF ee Kenya.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in ciririga ka jira xeryahaas aysan kor u qaadi karin howlaha adeegeeda isla markaana howlaha xeryaha aan la kordhin karin ay soo buuxiyaan ama ay soo buux dhaafiyaan.

MSF ayaa sheegtay bishii la soo dhaafay in labo laab ay kor u kacday carruurta ay nafaqo darada soo ridaneyso ee la dhigay isbitaalada ay ku lee yihiin xeryaha.

MSF waxa ay ugu dambeen xustay in wal-walkeeda ugu wayn uu yahay go’aanka Kenya uu ku reebay qoxootiga dhibaato bini’aadinimo haddii ay ku laabtaan nolasha qoxootiga oo haddaba aad u liita.

Si kastaba, hadalka MSF ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan hey’adda ilaalisa xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ay sheegtay in Kenya ay jabisay mid ka mid ah sharciyada caalamiga ah.

Kenya waxa ku nool in ka badan kala bar hal milyan oo qoxooti Soomaali ah, kuwaasoo gaaray halkaas tan iyo markii dowladii dhexe burburtay 1991-dii.

Kenya has more than half a million refugees from Somalia, which has lacked an effective central government since the outbreak of civil war in 1991.

Kenya ayaa sheegtay in ka badan 100.000 oo qoxooti ah in ay iska diiwangaliyaan xerada dhadhaab.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi