Mucjiso islaami ah: Nebi Muxammad (NNKH) miyuu socon jiray suuqa?

Nebi Muxammad (NNKH) waa sayidka khalqiga Alle, iyo Nebigii ugu dambeeyay Nebiyada iyo Rususha. Waxaa la siiyey mucjiso aanan lasiinin cid kale (Quraanka), sidoo kale ficilladisii iyo oraahyadiisii ayaa iyana ah mucjiso oo ka marag kacay zamanka aynu joogna iyo tiknoloojiga casriga. Kuma hadli jirin wax hawadiisa ah, siduuba Alle sarreeye inoogu sheegay Quraanka markuu ka warramayay Nebigiisa (NNKH), wuxuu yiri.

قال تعالى: “وَمَا يَنطِقُ عَنِ الْهَوَى* إِنْ هُوَ إِلَّا وَحْيٌ يُوحَى” النجم : 3-4

”Kuma hadla Nebigu wax hawadiisa ah, wax kale maahe (waxa uu ku hadla iyo Quraanka uu la yimid) waa uun waxyi loo waxyooda”. Suuradda An Najm: 3d- 4d.

Sidii Nebi Muxammad (NNKH) ay u weyneyn jireen asxaabtiisu ma jirin boqor xilligaas jirey oo loo weyneyn jirey. Curwa Ibnu Mascood Ath Thaqafi oo ka sheekeynayay arrinkaas wuxuu yiri ”Wallaahay waxaan u wafdiyey boqorrada reer Furus iyo kuwa Ruum, iyo kuwa Xabashida, weligey ma arag sida Muxammad (NNKH) raggiisa ay u weyneynayaan boqor loo weyneeya, candhuuf afkiisa kama soo baxda illaa mid (saxaabi) baa isu dhigaya oo dhulka ka ilaalinaya”.

Ninka sha’nigaas weyniga badan leh, waxaa caada u ahayd inuu suuqyada magaalada Madiina kudhex wareega. Waxaa kaloo Nebiga (NNKH) caada u ahayd xilligii Makka inuu ku wareegi jirey suuqyada Cukaada iyo Delmajinnah, asagoo dadka dacwada ugu yeeri jirey. Xilligaas masuuliyiinta iyo boqorrada inay tagaan suuqyada waxay u arki jireen ceeb ha noqoto kuwii Furus iyo kuwii Ruum ama kuwii Xabashida’e. Laakiin Nebi Muxammad (NNKH) ficil ka duwan kuwii ay samayn jireen boqrradaas ayuu asaga la yimid, taasoo dhalisay inayba la yaabaan kufaartii Qureesheed arrinkaas, waxayna yiraahdeen siduu Ilaahay inooga qisooday markuu arrinkooda iyo fajacooda inooga warramayay.

”يقول تعالى: (وَقَالُوا مَالِ هَذَا الرَّسُولِ يَأْكُلُ الطَّعَامَ وَيَمْشِي فِي الْأَسْوَاقِ لَوْلَا أُنْزِلَ إِلَيْهِ مَلَكٌ فَيَكُونَ مَعَهُ نَذِيرًا)

 [الفرقان: 7].

”Waxay yiraahdeen: Oo muxuu yahay Rasuulkani cunaya raashiinka, ee suuqyada wareega?, miyaa lalasoo dejiya Malak noqdo mid la diga maciisa”. Suuradda Al Furqaan: 7d

Haddii ay iyagu kudhaleeceeyeen in Nebi Muxammad (NNKH) uu suuqyada wareegi jirey, ayna la yaabeen nin masuul ah inuu suuqyada dhex wareega, maxay culimada casriga ahi arrinkaasi ka yiraahdeen.

Daraasad dhawaan galbeedka lagu sameeyay ayaa caddeysay suuqa oo la wareegaa inay tahay arrin caafimaad ah oo indhaha iyo maskaxduba u fiican, waxayna daraasaddoodu ku sheegeen in suuqa oo la booqda laguna dhex wareega ay ka hortagta cudurrada nafsaaniga ah iyo isku dhex yaaca. Sidoo kale waxay kusheegeen daraasaddaasi in arrintaasi ay qofka ku xambaarta dabeecad iyo bii’ad wanaagsan inuu lasoo baxa, nuurka indhahana ay ku saa’idaan.

Waxaa markaa isweydiinta mudan xilligii uu Muxammad (NNKH) suuqa wareegi jirey, ee boqorraduna ka xishoon jirtay arrinkaasi inay sameeyaan, madaxyaweyntii gaaladana ay ku dhaleeceeyeen arrinkaasi Nebiga, ma waxaa jirtay cilmi lamid ah kan hadda ee lagu gaaray tiknoloojiyada oo uu Muxammad (NNKH) jaamacad uga soo baxay xilligaas?

Tani waxay caddeyneysaa in qaa’idkeennii Muxammad ibn Cabdillaahi (NNKH) uu ahaa dhaqtar, iimaam, qaa’id, tusaale, bare toosan, iyo hoggaamiya  dhammaystiran. Waxay tani inoo sheegeysaa halka uu Nebi Muxammad  (NNKH) ka gaaray aqoonta caafimaadka in khalqiga oo dhan uu ka caajisay arrinkaas inuu gaaro muddo kusiman 1400 ka badan, taasoo muddadaasi kadib ay ku heleen cilmi lagu tacbay iyo tiknolooji casri ah. Laakiin Xabiibkeenna (NNKH) 1400 sano kahor ayuu xaqiiqada arrinkaasi inoo kashifay.

Subxanallaah!!

WQ: Mohammed Tahir Abdi
Email: mohamed1@live.fi
_____________________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay ugaar tahay qoraha iyo webka caasimada.net, lama daabacan kara idan la’aan.