Aqalka Kongareeska Maraykanka oo la horgeeyay sharci dib loogu eegayo Xawaaladaha Soomaalida.

Minneapolis (Caasimada Online) Waxa shaley la hor geeyay aqalka congresska Mareykanka barnaamik ku saabsan siddii loo khafiifin lahaa sharciyo la saaray xawaaladaha waddankaas ku yaalla.

Sharcigan ayaa waxa gudbiyay labo mudane oo ka tirsan Congress-ka kuwaasoo kala ah Keith Ellison oo laga soo doorto gobalka Soomaalida Maraykanka ku badan yihiin ee Minnesota iyo Erik Paulsen oo isna gobalkaas laga soo doorto.

Labadan mudane waxa ay ka kala tirsan yihiin labada xisbi ee dimuquraadiga iyo Jamhuuriga, waxay hadda u olaleenayaan siddii loo dabcin lahaa sharciyada la saaray xawaaladaha Soomaalida iyo kuwa kale ee lacagaha laga xawilo.

Arrintan ayaa daba socota markii la sheegay in xawaaladaha waddanka Maraykanka lacago looga soo diro kooxaha ka dagaalama Soomaaliya.

Waxay saameen ku yeelatay Soomaali badan oo ku nool waddanka Maraykanka kuwaasoo lacago u soo diri jiray eheladooda oo ku nool geeska Africa.

Labadan mudane ayaa u olaleenaya siddii Soomaalida si caadi ah ugu diri lahaayeen lacagaha kuwajahan eheladooda.

Haddii sharcigan uu meel mariyo aqalka Congress –ka  Maraykanka, waxa Soomaalida ku nool gobalka Minnesota uu suuragalin doonnaa in si dhib la’aan ah lacagahooda ugu soo diraan Soomaaliya.

Wixii ka dambeeyay weerraradii 11-kii September 2001-da waddanka Maraykanka waxa sharciyo adag lagu soo rogay lacagaha xawaaladaha ee loo soo diro waddamo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Pakistan iyo Afghanistan.

Madaxa hay’adda Somali Action Alliance Xaashi Shafi  oo in mudda ah dedaal ugu jiray siddii Xawaaladaha Soomaalida Mareykanka ay u heli lahaayeen  macaamil Bangi oo rasmi ah, ayaa sheegay in arrinta haddii ay meel mariyaan labadane in Soomaali badan ka bixi doonto dhibaatada ay ku qabeen lacaga ay u diraan eheladooda.

Isagoo la hadlaayay VOA-da  ayuu sheegay in labada mudane ay yihiin kuwa laga soo doorto gobalka Minnesota oo ah gobalka ay ku nool yihiin Soomaalida Maraykanka

Maraykanka waxa uu ka mid yahay waddamada ay dadka Soomaalida ka soo diraan lacago, qiyaastii sannad kasta Soomaalida Maraykanka ku nool waxay dalka u soo diraan ku dhawaad 100-milyan oo dollar.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi