Muftiga Arrimaha Islaamka ee dalka Imaaraadka oo sheegay inay Xaaraam tahay Baaritaanka telefoonka xaaskaaga / saygaaga  

Abu Dhabi (Caasimadda Online ) – Muftiga Arrimaha Islaamka iyo Waaxda Waxqabadka Wanaagsan ee Dubai ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan ((IACAD)) ayaa sheegay inay xaaraam tahay in Xaaska ay idin la’aan fiiriso Moobeelka Ninkeeda.

Wuxuu sheegay inaysan aheyn wax aqlaaq ahaan ku wanaagsan arrintaas, isla markaasna wuxuu gaarsiiyey heerka ay diinta u taqaan (Xaaraam).

Wuxuu sheegay inuu Islaamka xarimay inay dadka dhexdooda is Basaasaan haddii ay ahaan laheyd laba is qabto, saaxiibada, Walaalaha ama laba shaqsi oo uu ka dhaxeeyo xiriir nooc kasta oo uu yahay.

Wuxuu Yiri Muftiga Guud ee Arrimaha Diinta iyo waxyaabaha wanaagsan Dr. Cali Axmed Mashaacil isagoo u waramayey Wargeyska Imaraat 24,7 ” Islaamku horeyba waa loo diiday anshax xumo xitaa ka hor inta aan la helin amarada bani’aadamnimada” wuxuu sii raaciyey ” Waxbarashada diimeed waxay ka horeysaa sharciyada bani’aadamnimada”.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Qofka Muslimka ah waajib ku tahay inuu ka dheeraado Shakiga iyo basaasnimada, wuxuuna sheegay in qof Moobeelkiisa la baarbaaro ay soo dhex galeyso basaasnimo iyo Shaki.

Muftiga ayaa sidoo kale tilmaamay in la basaaso ama la fiiriyo Moobeelada gacanta ee qof kale leeyihiin fasax la’aan inay tahay arrin aan banaaneyn oo la dhex galay, wuxuuna sheegay inay arrintaas keeneyso kalsooni darro iyo nolosha labada qof oo noqoto mid adag oo la is aamini waayo.

Haddii shaki ku jiro qof kamid ah labada qof ee is qaba, habka saxda ah waxay noqon laheyd inaad u digto qof kamid ah qoyskiisa isla markaasna aad kala tashato ilaa laga suurtageliyo in la joojiyo waxa aad ka shakisay ka hor inta la galin qalad ama dembi.

Shuruucda Federaalka ee Imaaraadka Carabta ayaa mamnuucaya galmada telefoonka qof kale ama qalab kale oo aan lahayn aqoontooda ama ogolaansho.

Xeerka Dembiyada Federaalka ee No. 380, qofka baaro taleefoonada shakhsiyaadka kale isagoo aan fasax u heysan waxay arrintaas keeneysaa  xabsi iyo ganaax.

Qodobka 380 ee Sharciga Imaaraadka Carabta wuxuu khuseeyaa jebinta qarsoodiga, sidoo kale wuu khuseeyaa haddii qof uu shaaca ka qaado ama daabaco macluumaadka ku kaydsan telefoonka dhibbanaha.

Waxaa intaas sii dheer, Qodobka 14-aad ee Sharciga Dambiyada Internetka ee imaaraadka Carabta wuxuu dhigayaa in qofkii idin la’aan helo Baasaweedka Cinwaanada kala duwan ee Internetka ee uu leeyahay Shakhsi kale  amar la’aan in lagu xukumo Xabsi iyo Ganaax aan ka ayreyn 200,000 sidoo kalana aan ka badneyn 500,00 oo lacagta dirhamka ah.

Halkaan hoosek a akhriso Wargeyska uu wareysiga siiyey

http://www.emirates247.com/news/checking-phone-of-your-spouse-is-haram-2016-05-22-1.630652

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com