Mukhtaar Roobow wuxuu yiri wada-hadal baa noo socda dowladda! (Hal arrin ma la weydiiyey?)

Markii hore waxaan mooday inay ku timid tafatir la’aan warka Roobow oranayo iyo in aanay dowladda ka fekerin kelmadaha la isticmaalo xiligan oo kale.

Waxayse ka darneyd markii Dowladdu war ay soo saartay ay ku sheegtay inay cadeynayso in wada hadal u socdo iyaga iyo Roobow! Malahayga waxaa saxneyd in ay sheegto inay ka arrinsaneyso waxa ay ka yeelayso Roobow.

Wadahadal waxaa la ogyahay in ay wadageli karaan laba dhinac oo siman awood ahaan iyo siyaasad ahaan, oo hadii ay guuldareystaan wadahadaladu labada dhinac uu dhinac kasta isku filanyahay.

Dowladdu ma waxay na bareysa in wadahadal lala galo hal qof oo ay gacanta ku hayaan ciidamada nabad sugida, mise arrinta wadahadalka la shaaciyey waa mid muujinaysa in go’aan ka gaarista Roobow aysan Dowladda laheyn oo cidkale looga danbeynayo?

W/Q: Jaamac Deparni