Muqdisho: Shariif Sheekhunaa Maye oo sheegay war culus

Muqdisho (Caasimada Online) Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya Gen: Shariif Sheekhuna Maye ayaa sheegay in booliska Soomaaliya uu xubin ka yahay booliska adduunka ee Interpol.

“Waxan rabaa in fariin aan u dirno dad waynaha ha oggaadaan dambi falayaasha meel kasta oo ay tagaan boolis ayaa jooga mee kasta -meel kasta xittaa meel ay ku dhuuman karaan aduunka majirto saas ha oggaadaan, booliska sidaas ayey habeen iyo maalin u taagan yihiin” ayuu yiri.

“Waxan ka mid nahahay booliska adduunka ee Interpol, ninka Kenyajooga, ninka Italia jooga, ninka America jooga waa isku mid, shaqadeena waan sugeynaa,, waxan sidoo kale ka mid nahay booliska YABKO oo ah booliska bariga Africa oo 12-wadan, qof Africa ku dhuuman kara ma jiro, meelaha kalena waa 165-wadan ayaa nahay waxa la yiraahdo Interpol” ayuu yiri Shariif Sheekhuna Maye.

Booliska waxaa la weydiiyay su’aalo ku saabsan wariyaasha maxaa loo dilaa, oo loo qaban waayay dadka dila?

“Waxaan sheegaa baabuur bas ah oo booliska uu lee yahay 2009 ayaa lala baxsaday, oo bac ah cusub, waxaa la baxsday nin boolis ah, waxa uu gacan galiyay cadowga,waan soo qabanay gacanteena ayuu ku jiraa”.

Wuxuu sii hadlay “ Marka in shaa allah booliska cid kasta oo dil geesta ama wariyaasha dilaan raadaad ayaa jira waana ku raad joognaa waana soo qaban doonaa, laakin dad waynaha naftirkoda waxan u sheegeynaa in ay nala shaqeeyaan”

Mar la weydiiyay labo nin oo lagu soo eedeeyay in ay dileen wariye Xasan Yuusuf Absuge oo hadda ku jira gacanta dowladda wixii sharciga loo horkeeni waayay.

Wuxuu taliyaha boolska ku jawaabay “Laba nin gacanta ayey ku jiraan, waa garsugayaal, arrintooda waa lagali lahaa, laakin maxkamadda ayaa dib u dhigatay waa kiis arrintooda, sababtoo ah, anniga ayaa baaraa nabad sugida ayaan ku wareejiayay, daraad ayaa lagali lahaa, laakin maxkamadda Jowhar ayey aaday ayaa la dhahay, laakin waa ay in oo xiran yihiin.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay meelaha ugu khatarta badan adduunka oo suxufiyiinta ka howgalaan, sannadkii hore 18-wariye ayaa lagu dilay, sannadkan hadda billowdana waxa la dilay wariyihii ugu horreeyay.

Dowladda waxa ay mar kasta sheegeysaa in gacanta lagu dhigi doonokooxaha ugaarsada wariyaasha, laakin arrintaas illaa hadda waxbo kama hirgalin.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho