Muqdishow oo hadashay-iima fiicneyn doorashadii Farmaajo!!!

Muqdisho (Caasimada Online)– Xiligii qaran jabka kadib, Somalia waxay gashay marxlad ka duwan 26 sano ka hor, wixii jiray. Dowladnimo ayaa bilaabatay iyo in la helo neecaaw dalka looga yegleeli karo nidaam iyo kala dambeyn intaba,

Muqdishow oo ah xarunta min-qiyaaska u ah habsami u socodka nolosha iyo nidaamka dowliga ah, ayaa waxaa xiligaan hor taagan duul qarsoon iyo mid muuqda oo diidan horumarka dowliga ah iyo habsami u socodka nolosha shacabka.

Dabcan, Muqdishow way hadashay, afka ayey hadda furatay, waxay tiri uma dul qaadan karo intaan ka badan, 26 sano oo qaxar ku jiray, waxaa galay afar sano oo deganaan iyo rajo ii muuqatay, afar sano kadib, doorasho xalaal oo lagu doortay madaxweyne shacabka taageereen in wixii aaan ka nastay ee ka gudbay dib leygu soo celiyo ma aqbali doono umana dul qaadanayo.

Muqdishow waxay hadalkeeda sii raacisay, “Horumarka soo jiray afartii sano lasoo dhaafay duulka qarsoon ee raba inay burburiyaan bulshayaheey ka hortaga horumarkiina ilaashada, madaxdiina cusub ee la doortayna ku garab siiya sidii gacan adag ugu qaban lahaayeen kuwa i dhibaateynaya ee sumcaddeyda rabin inay soo ceshoonto”.

Waxay Muqdisho ku qeylisay, fartana ku fiiqday caqabadaha kale ee khatartooda leh ee kaga imaanaya qaswadayaasha u adeegaya dowladdaha deriska ah kuwaasoo ujeedooyinkooda lagu macneyn karo inay doonayaan sidii ay ugu dhex muuqan lahaayeen nidaamka dowliga ah ee ka curtay dalka iyo qabqablayaal qabyaaladeysan oo magac ahaan madala maamul beeleedyo dalka lagu kala qeybinaayo iyo kooxo mindidiin ah oo mar walba sheegta xasuuqa masaakiinta iyo birimageytada maalin walba loo geysanayo.

Muqdishow waxay kaloo tiri: “Xamar iney hor marto, waxaa hor taagan ashqaas iyo duulal huwan xil siyaasadeed, maamul iyo kuwo amnni, haddane caddow ku ah jiritaanka qaranimada, adeegyada bulshada iyo horumarkayga intaba”.

“Doorashadii madaxweyne Farmaajo kheyr iima aheyn, iimana fiicneyn maxaa yeelay maalin walba waxaa leygu dhex dilaa dadkeyga waaya araga ahaa, aqoonyahanka, odayaasheydii, mas’uuliyiinteydii iyo shacabkii aan madalayay, waxaan alle ka baryaa in shar wadayaasha danaha siyaasadeysan iyo kuwa argagixiso dadkeyga u leynaayo in loo midhobo oo leyga qabto” ayey si tiri Muqdishow oo daalan.

“Hadeey jiraan dadkeyga i leh milkayadeyda, ee caloosha wax ku qarsanaya ama wax ka dhex guuxaya, dowladnimadu waa tan wareegta, marka qof ku fadhiista kursiga, yaan laga faa’iideysan iihda aad qabtaan” ayey ku dardaarantay Muqdishow.

Muqdishow waxay hadalkeedii kusoo gunnaanaday “Shacabkeygoow u dul qaata dowladdeena cusub, kana war dhowra waxqabadkeeda oo yaan la dhararsan, meelna laga fiirin warxuma tashiilka iyo nidaam diidka, kuwa dowladnimada mooda wax ay leeyihiin iyagana illaahey ha u caqli celiyo”.

Wixii dhaliil amaan iyo aragti kale nala wadaag waa u baahanahay.

W/Qoray: Ali Muhiyaddiin Ali
Email: Muxiyaddiin@hotmail.com

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com