Murashax Ameeriko oo qiso cajiib ah kala kulmay maqaayad uu ku sugnaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Murashaxa madaxweyne, Amb. Maxamed Cali Ameeriko ayaa la kulmay dhacdo uu la calool xumaado. Wuxuu la kulmay wiil yar oo 12 sano jir ah, kaasoo ugu yimid maqaayad ku taal Muqdisho si uu kabaha ugu caseeyo.

Sheeko xanuun badan ayuu kasoo qoray Maxamed Cali Ameeriko, wiilkaasi yar oo lagu magacaabo Ismaaciil, kaasoo markii ay sheekeysteen kadib, Maxamed Cali Ameeriko ka shubay lacagta iskuulka mudo sanad ah. Sheekadaasi oo uu la wadaagay dadka ku xiran bartiisa Facebook, waxayna u qorneyd sidaan:.

Maanta anigoo jooga maqayad ku taal Xamar, wiilkaan yar, Ismail, wuxuu igu yiri “Adeer kabaha Ma kuu casayn karaa?” Aniga Iyo dadki ila socday waan u dhiibanay kabahena inuu noo soo caseyo.

Marku soo caseeyay ayaan ku iri ii sheeg telefonkada si aan kugu soo diro lacagta, number ayuu I siiyay oo igu yiri waa numberka hoyaday. Waxan waydiyay adiga number Ma qabtid miyaa, waa qabaa laakin wixi aan shaqeyo hoyaday ayan u diraa ayu yiri , oo guriga joogto oo walaalahay ayay haysaa, Aabahayna wuu dhintay.

Wuxu igu yiri 12 sano ayan jiraa, laba Maalmood Kaliya Ayaan skool adaa sababtoo aha Ma bixin karno lacagta skoolka. Wuxuu ii sheegay inuu dhigto fasalka labaad ee dugsiga hoose, waxay ahayd inuu dhigto fasalka 6aad AMA 7aad. Skuul lacag la’aan inuu helo ayay ahayd, sidaan markaan yarayn wax ugu soo baranay.

Wiilkaan oo kale ayaa Somalia ka buuxa, oo u baahan kaalmo. Walaalayaal aan kaalmayno dhibayanaasha. Insha Allah skoolka Ismail waan ka bixin doonaa. Walaalayaal qofki rabo inuu kaalmeeyo Ismail, fadlan ugu dira hoyadiis Jam

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com