Murashaxii ugu horeeyay ee madaxweyne oo dhaqaale ku taageeray guddiga abaaraha: Sawirro

Maxamed Cali ameeriko ayaa noqday murashaxii ugu horreeyay ee lacag ku taageera guddiga abaaraha si wax loogu qabto dadka Soomaaliyeed ee abaaraha aafeeyeen ee gobolada dalka.

Murashax Ameeriko ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in Soomaalida dhexdooda ay is caawin karaan, haddii muwaadin kasta uu guntiga dhiisa ugu xero, wuxuuna ka codsaday cid kasta ee awooda inay gacan ka geysato samatabixinta dadka dhibaateysan iney bixiyaan wixii ay awoodaan.Amb. Ameeriko ayaa ku booriyay Soomaalida dal iyo dibad in ay gacmaha is qabsadaan si wada jir ahna ugu gurmadaan walaalahooda gaajeysan ee macluusha u dhimanaya.

Waxaa horay 30 kun dollar ugu deeqay guddiga abaaraha Maxamed Cismaan Jawaari oo ah murashax u tartamaya guddoomiyaha baarlamaanka.