Musharax Cali Xaaji Warsame oo soo dhoweeyey go’aannadii kasoo baxay USA, UK iyo EU

Moqdisho (Caasimadda Online) – Musharax Cali Xaaji Warsame oo ah guddoomiyaha Isbahaysiga Isbadal Doonka,  ahna  mid kamid musharrixiinta  ugu cadcad qabashada xilka madaxweyne ee sannadkaan ayaa soo dhaweeeyay go’aannada USA, UK iyo EU ay ka qaateen xakamaynta musuqa baahsan ee hareeyay doorashada Soomaaliya 2016.

Musharax Cali Xaaji Warsme oo safar shaqo ku gaaray dalka Maraykanka ayaa hadalkaan ka sheegay gabagabadii kulan uu la qaatay saraakiil sarre oo ka tirsan Wasaarada Arimaha Dibada ee dalweynaha Maraykanka.

“Go’aannada USA, UK iyo EU ka qaateen dadka haysta dhalashadooda ee Soomaliya Musuqa ka wada, runtii waa tallaabo soo dhawayn mudan, xakamaynaysana laaluushka doorashada Somalia.” Musharax Cali ayaa sidaasi ku yiri shir uu saxaafadda u qabtay.

Musharax Cali oo safaro shaqo ku marayay dalal ay kamid yihiin Ingriiska iyo Maraykanka ayaa wuxuu xoogga ku saarayay in uu dalalkaas la wadaago xaaladaha dalku uu marayo iyo sidii musuqa doorashada hareeyay isku meel looga soo jeedsan lahaa.

Madasha Isbadal Qaran oo uu hogaamiyo Cali ayaa rabtay sidii uu isbadal siyaasadeed uga dhici lahaa dalka doorashda hada dalka ka socota.

Waxaa xusid mudan in go’aamada USA, UK iyo EU ka qaateen xadididda laaluushka doorashooyinka Somalia ee 2016 ay guul siyaasadeed u tahay Isbahaysiga Isbedel Doonka ee uu hogaamiyo Cali Warsame, sida ay iyagu daaha ka qaadeen.

Guddoomiyaha Isbahaysiga Isbadal Doonka ahna musharrax madaxweyne Cali Xaaji Warsame

Dhanka kale, QM, USA, UK, EU iyo dalal kale ayaa ka horyimid go’aankii sharci darrada ahaa ee ay Madasho ku kurdhiyeen, xubnaha aqalka sare. Waxayna hoosta ka xareeqeen, in wax isdabamarinta baahsan ee doorashada Soomaliya aan loo sii dulqaadan doonin, xisaabtanna ka danbayn doono.

Cali Xaaji Warasme ayaa waxaa la rajaynayaa in uu maalmaha soo socda Mogadishu yimaado si uu uga qeybgalo tartanka doorasho ee dalka.

Caasimadda Online

Xafiiska Mogadishu

Caasimada@live.com