Musharax Dr. Cali Xaaji Warsame oo ka hadlay doorashadii Jawaari

Nairobi (Caasimada Online) – Musharax Dr. Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad ee u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay doorashadii guddoomiyaha cusub ee baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari.

Cali Xaaji ayaa war qoraal ah oo kasoo baxay waxa uu ku sheegay in inuu soo dhoweynayo natiijada Doorashada iyo Gudoomiyaha cusub ee la doortay.

Dr. Cali Waxa uu sidoo kale ammaanay ciidamada dowladda Soomaaliya oo suurta geliyey in doorashada ay ku dhacdo si habsami leh, ayaga oo si wanaagsan u sugay amniga.

Musharaxu wuxuu si faahfaahsan uga hadlay xaaladda dhabta ah ee ka jirta gayiga Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha baahsan ee ka jira wadankeena isagoo soo jeediyey in la taageero dadka ay abaaraha saameeyeen.

Waxa uu sidoo kale musharaxu ka hadlay siyaasadda xumida iyo dib u dhaca ku yimid waddankeena, oo uu ballanqaaday inuu wax ka qabto, haddii xildhibaanada ay ku aaminaan hoggaanka dalka.

Ugu dambayn musharax Dr. Cali Xaaji waxa uu kula dardaarmay gudoomiyaha cusub qodobadaan hoose:-

1- In uu ilaaliyo Madaxbanaanida Baarlamaanka Soomaaliya

2- In uu ilaaliyo Sareeynta Sharciga iyo dastuurka dalka

3- in uu baarlamaanku noqdaa mid ka madax banaan Villa Somalia.

Cali Xaajo oo iminka ku sugan Nairobi ayaa la filayaa inuu dhowaan dib ugu soo laabto Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com