Musharax si weyn u gelgeliyay Muqdisho oo shaaciyay musuqa lagu soo saaray xildhibaanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay la hadal hayay musuq maasuqa lagu soo saaray xildhibaanada ayaa musharax madaxweyne Shariif Sheikh Axmed wuxuu ka hadlay arintaasi.

Sheikh Shariif Sheikh Axmed, ayaa ku eedeeyay madaxda sare ee dalka Iney qaab musuq maasuq ah kusoo saareen qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in xildhibaanada musuqa lagu soo doortay iney keeni doonaan musharax kusoo baxa qaab musuq maasuq ah.

Hadal shalay uu jeediyay ayuu sidoo kale ku tilmaamay madaxda dalka iney ku fashilmeen arimo badan.

Wuxuu sheegay in madaxda dalka ay ka faa’ideysan waayeen fursado badan oo ay ka heleen beesha caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com