Musharaxiinta doorashada 2016 oo ay lasoo daristay cabsi cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hoos u dhac ballaaran ku imaaday kulamadii ka dhici jiray Hoteelada waaweyn ee ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Kulamada ka dhici jiray Hoteelada ayaa waxaa lagu jaan-rogi jiray siyaasada Somalia, iyadoo ay halkaasi isku uruursan jireen siyaasiyiinta dan wadaaga la ah dowladaha shisheeye iyo kuwa ku mashquulsan siyaasada qaraaran ee ka dhextaagan dalka.

Saameynta ugu badan ee hoos u dhaca kulamada ayaa saameyn ku yeelatay milkiilayaasha Hoteelada kuwaasi oo dano dhaqaale ku qabay isku imaanshiyaha siyaasiyiinta ku howlan siyaasada.

Shirarka ugu badan ee siyaasiyiinta ka tirsan dowlada iyo kuwa aan xilalka heyn ayaa waxa uu iminka ka dhacaa xaafadaha ay degan yihiin mas’uuliyiinta sababo la xiriira ugaarsiga lagu hayo Hoteelada.

Siyaasiyiinta ka tirsan dowlada iyo kuwa dhaliilsan ayaa howlahooda gaarka ah ku fusha dhismooyinka ay ka degan yihiin magaalada Muqdisho, waxa ayna kalsooni ku qabaan guryahooda marka la eego weerarada lala beegsanaayo Hoteelada.

Hoos u dhacaani ayaa waxa uu saameyn ba’an ku yeeshay Hoteelada Muqdisho oo dhaqaale adag ka hela shirarka iyo jiifka Hoteelada.
Dhammaan arrimahaani is biirsaday ayaa soo dadajisay in Musharaxiinta u taagan xilka madaxweyninimo ay iminka galaan jawi dhuumasho ah sababo la xiriira cabsida kaga imaaneysa dhanka dowlada.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta doorashada ka dhiman ka dhici doona kulamo is dabajoog ah oo ay yeelanayaan musharaxiinta, Xildhibaanada imaan doona iyo Odayaasha kuwaasi oo ka tashanaaya doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com