Musharaxiinta guddoonka BF oo jeediyay khudbado aan laga fileyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Muqdisho kusoo gabagaboobay Khudbadaha Musharaxiinta ku loolameysa Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia.

Musharaxiinta oo dhowr ahaa ayaa si siman u jeediyay Khudbadaha waxaana xusid mudan in Khudbadaha Musharaxiinta ay ahaayen kuwo isku dhow.

Musharaxiinta ayaa gabi ahaantooda kasinaa ballanqaad ku aadan fulinta rabitaanka Xildhibaanada iyadoo aan laga weecaneynin sharciyada dalka.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Xildhibaan C/rashiid Xiddig ayaa inta badan kasinaa qodobada waxa uuna Musharax waliba ku celceliyay inuu la imaan doono isbedel muuqda oo laga dareemi doono nidaamka lagu hogaaminaayo Baarlamaanka iyo guud ahaan sharciyada dalka.

Xildhibaanada qaar oo khudbada kadib siyaabo kala duwan ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaanu jirin qodobo sax ah oo ay ku qancaan marka laga soo tago ballanqaadyada guud.

Xildhibaanadu waxa ay sidoo kale dhaliileen in qodobada Musharaxiintu ay ahaayen kuwo is shabahaaya oo u muuqda in hal meel lagu diyaariyay.

Musharaxiinta qaar ayaa ballanqaaday inay la imaandoonaan Isbedel, Shaqo wanaag, Caadalad iyo in lameel-mariyo wax waliba oo ku xeeran baahida dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Musharaxiinta Khudbadaha jeediyay ayaa u muuqda kuwo wata ajando gaara.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com