Musharaxiinta magac raadiska ah oo kusoo badanaya Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa labadii bil ee ugu danbeysay soo shaac baxaayay Musharaxiin xil doon ah kuwaa oo u kala sharaxan Madaxweyninimada dalka iyo Guddoonka Baarlamaanka Somalia.

Marka leysku daro dhammaan Musharaxiintaasi Madaxweynaha iyo kuwa Baarlamaanka ayaa kor u dhaafaya 40 Musharax, kuwaa oo taageero kala duwan ka heysta Dowladaha saaxiibada la ah Somalia iyo Maamul Goboleedyo ku dhisan hab qabiil.

Musharaxiintaani ayaa waxaa ku jira qaar danbiyo ka galay dalka, waxa ayna iminka u hanqal taagayaan inay hogaamiyaan dalka, inkastoo guusha iyo guuldarada Musharaxiintaasi ay tahay mid ku jirta gacanta Xildhibaanada.

Musharaxiinta qaar ayaa ku hari doona is afgarad ay isugu muujin doonaan Tanaasu, halka qaarna ay ku hari doonaan dhaqaale dari heysata.

Xildhibaanada cusub qudhooda ayaa waxaa ku jira kuwo ka qeybqaatay halaagii ka dhacay dalka, kuwaa oo si dhow ula shaqeyn jiray Dowladaha kusoo duulay dalka, waxaana muuqaneysa in Xildhibaanka noocaasi ah uu dooran doono mid isaga kasii liita.

Xildhibaanada ugu badan ayaa waxaa lagu soo doortay qaab Qooto Qooto ah, waxaana xusid mudan in qaarkood kuraasta looga xoogay kuwo kale.

Warbaahinta Caalamka qudheeda ayaa aad u hadal heysa tirada Musharaxiinta ee sii kordheysa kuwaa oo ay ku jiraan kuwo magacdoon ah.

Caalamka ayaa isha ku haya Habdhaqanka Musharaxiinta Xil doonka ah iyo Xildhibaanada lagu indha sarcaadinaaya dhaqaalaha aysan horay u helin.

Geesta kale, Dalka Somalia ayaa waxaa Madaxweyne ka noqon doona Musharaxa heysta dhaqaale kaafinkara Xildhibaanada ku cusub saaxada Siyaasada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com