Mustaf Dhuxulow oo meel aan marna laga fileyn kasoo baxay (Faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo uu Warbaahinta ka sheegi jiray inuu yahay Saaxiibka Saxaafadda, haddana ugu dambeyn Mustaf Dhuxulow wuxuu magacaabay guddi ku sheeg aan qof ka mida metelin Saxaafadda madaxabanaan ee Somalia kuwaas oo Wasiirka uu ku xushay rabitaankiisa shaqsi iyo qaab qabiileed.

Mustaf Dhuxulow wuxuu muujiyay in afkiisa iyo uurkiisa kala duwan yihiin, kana soo baxay meel aan laga fileyn oo ah cadowga warbaahinta madaxa bannaan ee Somalia.

Dhammaan xubnaha uu magacaabay waxay iskugu jiraan shaqsiyaad ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Somalia iyo xubno ku daaban.

Xulitaanka Gudigga metelaya Saxaafadda madaxabanaan, waxaa iska leh Xarumaha Warbaahinta iyo ururada Saxaafadda madaxabanaan, hase yeeshee Mustaf Dhuxulow wuxuu mooday inuu shaqsiyan awood u leeyahay xulida gudigga.

Waxaa caddaatay in af-macaanadii Mustaf Dhuxulow ay beenowday, uuna kasoo baxay meel aysan saxaafadda Somalia marnaba ka fileyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com