Musuq maasuqa shaqada iyo shaqaalaysiinta Soomaaliya

Markii masuul cusub xil loo dhiibo waxaa caado noqotay in uu albaabada ka xirto dadka uu masuulka u ahaa soona dhawaysto dad gaar ah. Baahidii masuulka looga dhigayna ay sideedii u taagnaato. Xumnaha ka hooseeya masuulkaasna ku tagri-falaan awoodii xilka ayaga oo nin jeclaysi, eex iyo laaluush ka qaata dadka loogu igmay in ay u adeegaan.

Arinkaan wuxuu muujinayaa sida aan weli bisayl qaran iyo isla xisaabtan guud loo gaarin iyo in aan qofna xil u qaban si qaran ee uu ku danaysi iyo qabiil u qabtay. Maato badan oo danyar ah baahidoodu gaartay heer ay nacayb u qaadaan dowlada.

Meelaha badanaa dadku cabashada ka muujiyo waxaa ka mid ah, hay’ada jinsiyada iyo socdaalka gaar ahaana dalabka Passpor-ka, laamaha ammaanka iyo garsoorka siiba maxkamadaha racfaanka. Sidoo kale xafiisyada wasaaradaha iyo laamaha degmooyinka ilaa heer gobol. Xiliyadii hore, meelaha qaybtood waxaa ka dhici jiray in qof muwaadin ah maalmo sugo la kulanka masuulka dantu kaga xirnayd, xafiiskiina uu cidla iska ahaado ama dad gaar ah oo maamulaha ku hayb ah ama dan dhaqaale ugu jirto loogu adeego, halka ay ahayd in uu heegan u ahaado u adeegida muwaadiniinta si siman oo xaq soor iyo cadaalad ah.

Dhalinyaro badan oo aqoon iyo xirfado kala duwan leh ayaa ka niyad jabsan helida shaqo, ayaga oo masuugsan qorshaha shaqo helida ee sanadii hore lagu soo dhaqmi jiray, balse dowlada cusub ka qaba rajo ah in wax ka badal lagu sameeyo habka shaqaalaysiinta. Beri hore waxaa dhici jirtay in qof aan aqoon iyo xirfad u lahayn shaqo loo dhiibo, maalmo gudahoodna isku dhex-yaac ku yimaado howshii, halka muwaadinin xirfadle u ahaana looga eexday Arinkan wuxuu ceeb ku yahay sharafta iyo soo kabashada dowlada, inkastoo dadaal jiro, hadana waxa uu siyaadinayaa sii socoshada falalka amaan-darada, nacaybka dowlada, cadaalad darada iyo musuq maasuqa.

Hadaba, waxaa lagama maarmaan ah in masuuliyiinta ugu saraysa dowlada ay si gaar ah oola xisaabtamaan wasaaradaha ku shaqada leh arinkaan haba ugu horayso cadaaladu e, si dhawna oola socdaan isbadalada xafiis walba taas oo keenaysa in hufnaan shaqo oo xoogan muwaadiniintu helaan.

Sidoo kale, shaqooyinka dowlada si siman loogu tartamo, si wayna loola dagaalamo shaqasiinta garabaysiga iyo eexda ku dhisan maadaama la rabo in dowladu hormar gaarto ay tahay in dadka mudan loo dhiibo shaqooyinka. In shaqooyinka xafiisyada lasoo xayasiiyo si furan loogu tartamo. Badana xafiisyada cusub ama kuwa banaan waxaa shaqadooda lagu helaa garab ku dhisan eex, qabiil iyo waji-garasho sidaasna lagu shaqaaleeyo, halkii ay ahayd in si siman loogu tartamo qofka guulaystana lagu qiimeeyo xirfadiisa iyo aqoontiisa. Shaqada qaranka ayaa ka muhiimsan qancinta shakhsi ama qabiil.

waxaa muhiim ah in la helo sharci qaran oo la dagaalanka musuq-maasuqa ah iyo in dowladu samayso gudi heer qaran ah oo kormeer iyo daba-gal ka sameeya dhamaan xafiisyada dowlada, gudigaasna loo sameeyo xarun ama xafiis ay ku aqbalaan cabashooyinka iyo talooyinka dhibanayaasha la kulma dhibaatooyinka shaqada iyo shaqaalaysiinta. Si gudigaan u noqdo mid shaqadiisa u guta si hufan, waxaa lagama maarmaan ah in lagu soo xulo aqoon iyo khibrad lagana dhowr musuq maasuq, gudigaana si joogta ah loola xisaabtamo.

Xubnaha dowlada ee lagu helo musuq maasuq ku aadan shaqasiinta ama habka shaqadooda la mariyo sharciga ilaa heer maxkamadeed, bulshadana laga qabto. Baaritaanada iyo talooyinka gudiga heer qaran ee daba-galka iyo kormeerkana loo qaato si dhab ah. Musuq maasuqa lacagta ee hada awood la saaray waxaa ka saamayn badan midka shaqada iyo shaqaalaysiinta, berina wuxuu hal beeg u noqonayaa dib u hagaajinta laamaha dowlada.

 W/Q: Abdiwali Abdikadir Sheikh Farah

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid