Muuqaal: Madaxweyne Farmaajo oo xili hore ka hadlay kala jiidashadda madaxda Soomaalidda ay ku wadaan dalalka shisheeye

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay kiiska ku saabsan Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe inta uusan noqon Madaxweynaha Soomaaliya.

Farmaajo ayaa horey  sheegay inuu ku talinayo inaysan Maamul Goboleedyada ka hor imaaan dowladda dhexe isla markaasna aysan soo saarin go’aano ka duwan kuwa ay dowladda ka qaadato arrimaha dibadda.

Hadalkaan ayuu Farmaajo jeediyey intii uu xilka hayey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna xilligaas  maamul Goboleedyada ugu baaqay inay dowladda dhexe ka dambeeyaan isla markaasna ay Xasan Sheekh Maxamuud ula hadlaan qaab asluubeysan maadaama uusan aheyn shaqsi caadi ah oo uu yahay Madaxweynaha Soomaaliya.

Dad badan oo aaminsanaa inuu Farmaajo go’aanka uu hadda qaatay ka lahaa dano siyaasadeed oo isaga u gaar ah ayaa hadda ogaanayo inuu go’aankaan yahay mid dabiici ah oo waligiisba uu aaminsanaa madaxweynaha Soomaaliya.

Haddaba halkaan hoose ka daawo Muuqaalka Madaxweynaha iyo hadalka qiimaha badan ee uu jeediyey ka hor inta uusan qaban xilkaan uu hadda hayo :