Muxuu Axmed Madoobe ka yiri xildhibaanada mucaaradka ah ee BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, ayaa ka hadlay shirka dhawaan kusoo xirmay magaalada London.

Axmed Madoobe, waxa uu sheegay in shirkaasi uu ahaa mid dano weyn ugu jira DFS, waxa uuna carab dhabay in laga gaaray ahmiyadii laga lahaa.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in shirka London uu ahaa mid mideeyay Madaxda Qaranka iyo kuwo maamul goboleedyada waxa uuna meesha ka saaray inay jiraan kala aragti duwanaan ka dhex curatay labada dhan.

Madoobe waxa uu tilmaamay in shirka kusoo dhamaaday magaalada London uu waxbadan ka duwanaa kuwii hore, waxa uuna carab dhabay in faa’iidooyinka ugu badan lagu gaaray shirkii ugu danbeeyay.

Axmed Madoobe waxa uu soo hadal qaaday Xildhibaanada mucaaradka ah ee isku uruursanaaya magaalada Nairobi kuwaa oo dhawaan la magac baxay Horusocod.

Waxa uu sheegay in dalka uu ku jiro xaalad alow sahal ah loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo midnimada madaxda dalka oo aan lagu kala tagin Siyaasada taagan.

”Aniga ma qabo in xiligaani la mucaarado dowlada waxaan ka dalbanayaa Xildhibaanada inay garwaaqsadan dhibaatada ka taagan dalka oo ay ka shaqeeyan xalka dalka iyo dadka”

Hogaamiye Axmed Madoobe ayaa Xildhibaanada ugu baaqay inay dib ugu laabtan go’aanada ay uga hor imaanayaan dowlada saanqaadka ah.

Haddalkaani ayaa kusoo beegmaaya xili ay sii kordhayaan Xildhibaanada Mucaaradka, inkastoo ay jiraan dadaalo socda oo lagu doonaayo in lagu xaliyo tabashada Xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com