Muxuu Farmaajo wasaarada ugu mashquulka badan ula gaclooday Maryam Qaasim?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lahaa qorshaha Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia loogu soo kordhiyay Wasaarada ugu mashquulka badan ee ”Gargaarka iyo Musiibooyinka”

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalin kadib Doorashadiisa xiriir la sameeyay Drs Maryan Qaasim oo horay usoo noqotay Wasiirka Arimaha bulshada kana tirsan Xisbiga Tayo.

Farmaajo ayaa la xaqiijiyay in Drs Maryan uu ka dalbaday inuu kusoo biiriyo Xukuumada cusub, waxa uuna usoo bandhigay in Xukuumada uu kusoo kordhin doono Wasaarada Gargaarka iyo Musiibooyinka oo ay munaasib ku tahay waxaana soo dhaweysay Maryan Qaasim.

Wasaarada Gargaarka iyo Musiibooyinka oo ku cusub Xukuumada Somalia ayaa noqoneysa Wasaarada ugu mashquulka badan oo u dhexeyn doonta min Caasimad ilaa Gobol.

Wasaaradani cusub ee Gargaarka iyo Musiibooyinka, ayaa waxaa loo magacaabay Maryan Qaasim oo Siyaasad ahaan aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo oo ay kawada tirsan yihiin Xisbiga Tayo.

Maryan Qaasim ayaa waxaa lagu xasuustaa in ay wax badan kusoo kordhisay Arimaha Bulshada xilligii ay Wasiirada aheyd.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa la sheegay in laga fara maroojiyay tallada kadib markii Golaha lagu soo daray ilaa 7 Wasiir oo uusan ku qancin sifaadkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com