Muxuu Micheal Keating u sheegay Ugaaska beesha Xawaadle?

Beledweyne (Caasimada Online) – Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating oo shalay gaaray magaalada Baladweyne, si uu u qiimeeyo xaalada abaaraha gobolka Hiiraan, waxaana barbar socday booqashadaasi kulan uu la qaatay Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo si weyn ugu soo horjeeda maamulka Hirshabeelle.

Kulan saxaafadda dibad joog ka aheyd oo Micheal Keating la qaatay Ugaas Xasan ayaa wararku sheegayaan in looga hadlay arrimo ku saabsan siyaasada ku wajahan dhismaha maamulka Hirshabeelle iyo inuu Ugaaska muujiyo tanaasul iyadoo la fiirinaayo danaha shacabka uu madalo iyo baahida loo qabo maamul uu yeesho gobolka.

Micheal Keating ayaa u sheegay Ugaaska in Soomaalida looga baahan yahay mar walba in ay dhameystaan arimaha dhaxdooda ah,  si loo gaaro ayuu yiri nabad iyo hormar.

Ugaas Xasan ayaa hordhigay Micheal Keating qodobada uu ku diidayo maamulka Hirshabeelle, wuxuuna ku doodayaa in tabasho badan oo jira loo baahan yahay in la xaliyo.

Ugaaska ayaa dalbaday in la siiyo waqti uu kula soo tashto waxgarad uu sheegay in ay tallo kala dhaxeyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com