RADDIN SHUBAHA: NABI MUXAMMAD (NNKH), muxuu u guursaday Ca’isha?

Sida laga dheehan kara su’aasha caynkan ahi ma ahan mid badanaa ka timaadda dadka maankoodu taamka yahay, ama leh iimaanka dhabta ah ee rumeysan towxiidka Alle iyo Islaannimada, balse waa su’aal in badan mulxidiinta Nasaarada ay umadda Islaamka ku fasahaadiyaan dhankoodana ay mar weliba naga soo gasha.

Waxaan ku jirey barta youtube ee internetka anigoo daawanayay mid kamida video-yada diiniga ee kujira youtube-ka. Waxaan bal fiiri is dhahay fikradaha video-gaas laga dhiibtay, laakiin qacdii horeba waxaan arkay hadalla uu nin Soomaali murtad ah soo qorey, isagoo weliba kusoo qoraya afka Soomaaliga.

Hadallada uu qofkaasi sooqorey waxaa kamid ahaa adinku ma naartii Muxammad idiin sheegay 14 qarni ka hor ayaad ka cabsanaysaan? Wuxuu misna daba dhigay, haddii aad maskax leedahiin sidee buu qof caqli leh u yeeli karaa Muxammad oo 53 jir ah inuu guursada Caa’isha oo 9 jir ah? Sideed ugu rumeyneysaan Nebi ahaan qof sidaas falay?Kaas oo qura ma ahan midka aan ka arkay shubbahada noocan ah ee foosha xun, balse waxaa dhacday inaan horey ula kulmay dad waddama Islaam udhashay oo shubbahadaasi la wareegaya, intooda badan qaar aan sheekeysannay waan ka shaafiyey, xaqiiqda ayaanna uga sharxay arrinkaasi, laakiin dhowr mar waan is dhahay bal shubbahadaasi maqaal raddin ah ka diyaari, taasina maantay igusoo sintay.

Waxaa yaab iyo fajac igu noqday in fikradaha video-gaas aan aqrinayay dadka intooda badan hal qof oo si cilmiyeysan ugu jawaabay aanay kujirin dadkii meesha ka dhiibtay aaraadooda, balse badankoodu waxay ugu jawaab celiyeen, murtad, gaal, iyo ereya lamida.Haddaba maanta waxaan jecleystay inaan soo gudbiyo raddintan, si umadda Soomaaliyeed haddii arrinkaasi wax laga weydiiya ay si degen uga jawaab bixiyaan jawaabta xaqa ah ee su’aashaas ay leedahay.Inta badan waxayaabaha ay weydiiyaan Masiixiyiinta faafiya diinta masiixiyadda marka ay tegaan waddamada Islaamka ama ay fasaahidinayaan umadda caamada ee Islaamka ah ayaa waxaa kamid ah su’aasha caynkaan ahMuxammad (NNKH) haddii uu Nebi yahay muxuu u guursaday gabar ka yar (Caa’isha)? Sida la isu weydiiyey uma adka labadan su’aal iyo wixii la halmaala ee shubbahaatka ah, balse dadka caamada ah ee aanan haba yaraatee fikirin ama wax is weydiinin ayay ku adkaanaysaa, kadibna shaki iyo laab ciriiryoon la boodaakaca oo dacaayaddaasi ay saamayn weyn maskaxdoodu ku yeelataa, roonaanse lahaydaa inay diinta masiixiyadda ama Baybalkuba wax ka yaqaannaan, waayo xaqiiqda dhabta ah iyo inuu xaq yahay guurka Caa’isha bay ku garaabi lahaayeen.Ka warramada haddii Baybalku qeybta cahdiga hore (Old Testment) uu tilmaamaya in Nebiyullaahi Isxaaq uu jirey markuu guursanayay Refqah ina Bethubeel 40 sanadood, iyana ay jirtay 3 sano oo quran?Baybalku wuxuu sheegayaa inay dhalatay Refqah markay dhimanaysay Saarah oo ahayd hooyada dhashay Isxaaq, Saarana waxay ku dhimatay da’da 127 jir, (eeg Genises/ Billawgii 23: 1d.

Markay Isxaaq dhalaysayna Saarah waxay jirtay 90 sanadood, sidaa darteed markay dhimanaysay wiilkeeda wuxuu jirey 37 sanadood. Taa haddaynu ka wareegno Maryama Calayhssalaam wuxuu Baybalku qabaa inay jirtay markay dhalaysay Ciise 11 sano. Waxaa markaa is weydiin mudan Maryama haddii ay kudhashay da’da 11, immisa jir oo kale ayaa lagu guursaday baala is oran lahaa haweeneyda da’daas oo kale ku dhasha? Dabcan 9 ama 8 ama 10 jir. Maxaa diidaya markaa Caa’isha in lagu guursada da’da 9 jirka?

Intaa haddaynu ka gudubno, guurka gabadha yaraanta lagu guursada ma wax caalamka ku cusub baa? Mise yahay wax qaaradda Yurub iyo galbeedka ay dhakafaar immika ka qaadaan oo aanay horey u aqoon? Miyaydaan ogayn in qarnigii dhawaa ee 18d hablaha boqorrada ay ku guursan jireen 8, 9, 10, 12, iwm iyadoonan weliba la gaarin 14 qarni kahor. Maxay tahay waxa aan ula yaabna wixii dhacay 14 qarni kahor, oo aynaan ula yaabahayn waxa dhacay labo qarni kahor? Mise hablaha labo qarni jirey kahor baa ka joog iyo jamaal dheer hablihii jirey 14 qarni kahor? Maya maya, umadba umadday ka horreysa ayay ka joog iyo jamaal dheertahay. Matalan waxaa dhici karta ayeydaa in lagu guursaday 13 jir, hooyadaana 18 jir, walaashaana 24 jir, adiguna laga yaaba in aad guursata gabadh 30 jir ah.

Waxaan jecelahay inaan iftiimiya 2 qarni kahor siday boqorrada reer galbeedka gabdhaha u guursan jireen.

Waqti kastaahiba guurka jawigiisa ayuu la jaanqaadaa, sidaa daraaddeed Willam of Tyre oo kamid ahaa madaxdii Roomaanka ee Qustantiine ayaa wuxuu gabadh yar ku guursaday da’da 8 jir, taasoo la oran jirey Iniyas (Agnes). Boqorkii Jeruselam ee Baldwin-kii saddexaad isaguna wuxuu guursaday gabadha la yiraahda Manuel oo xilligaasi ahayd 13 jir. Margret Maria oo ahayd gabadh 9 jir, una dhalatay dalka Majar (Hungary) ayaa waxaa guursaday boqorkii la oran jirey Isac (Isak) Angeles, Boqorkii Besanta ee la oran jirey Theotra markuu guursanayay xaaskiisa Marita reoll waxay jirtey 13 sano.

Waxaa cad xagga culuumta casriga iyo xagga diinta Islaamkuba in gabadhu hadday qaan gaarta ay diyaar u tahay inay qaadda uur, waxaanna ogsoonnahay illaa iyo immika inay jiraan habla ku qaangaara da’da 8 iyo 9. Hablihii jirey labo qarni kahor marka ay jiraan da’da 9 jirka, way ka bidhaan iyo joog dheeraayeen hablaha 9 jirka ah ee qarnigan jooga. Sidaa oo kale kuwii 14 qarni kahor jireyna iyana aad bay uga joog iyo bidhaan dheerayeen kuwa maanta jooga.

Si aan su’aashan shubbahada ahi u gablaminna, waa inaan is weydiinnaa Yuhuuddu iyagu sidey wax ku guursan jirtey?

Safiyah ina Xuyay ina Akhtab waxay ahayd gabadhii uu dhalay Xuyay bin Akhtab oo ahaa ugaaskii Yahuuddii reer Nadiir ee daganayd magaallada Madiinah. Sanadkii 1d ee hijriga markuu Nebiga (NNKH) usoo haajirayay magaallada Madiina waxay ahayd gabadh yar oo aabbaheed markay usoo roorta uu dusha ku qaadi jirey. Toddoba sano kadib sanadkii 7d ee Hijriga, markuu Nebiga (NNKH) guursanayay kahor waxaa horey usoo guursaday Kinaanah bin Abil Xuqayq, oo kamid ahaa madaxdii Yahuudda iyo maalqabeennadoodii. Safiyah waxaa lagu guursaday magaallada Madiinah, reerkooduna waxaa magaallada laga raray sanadkii 2d ee hirjiga. Haddii marka Safiya ay jirtay sanadkii 7d markuu Nebiga (NNKH) guursanayay 14 jir, magaallada Madiinah markuu Nebiga (NNKH) usoo haajireyay sanadkii 1d ee hijriga immisay jirtay? Hijrada kadib toddobo sano ayuu Nebigu guursaday, siddaa daraaddeed 14 kajar 7, waa 7 jir. Nebigu (NNKH) markuu Madiina imanayay waxay jirtay 7 sano, iyana Madiinuu ku guursaday Kinaanah.

Labo sano kadib soo galootigii Nebiga (NNKH) ee Madiinah waa ay ka guureen Madiina reerkeeda. Haddaba immisa jir ayuu ku guursaday Kinaanah iyada….? Dabcan waa labo middood, 8 jir ama 9 jir (maadama laguursaday intii u dhaxaysay markay jirtay 7 sano ilaa 9 sano). Yahuud oo ahlu kitaab ahayd oo Towraadda wax ka haysay baa sidaas samayn jirtay, maxaanay ula yaabayn oo ay guurka Nebi Muxammad (NNKH) ee Caa’isha ula yaabahayaan?Qodobadan ayaa jawaab u ah Su’aasha shubbahada?

1. Gaaladii Qureesheed, Yahuuddii Madiina, iyo Munaafiqiintii iyo kuwii adiga kaa necbaa Nebiga wax waliba oo ay Nebi Muxammed (NNKH) ku dacaayadeyn karayeen way faleen, waxay yiraahdeen waa beenaale, waa faalloow, waa gabyaa, waa saaxir, waa waalanyahay iwm. Laakiin ma aanay oran gabar ka yar buu guursaday? Xataa tobankii qarni ee ugu horreeyay cidna ma ku dacaayadeyn arrinkaas oo ma oran gabar kayar oo ilma ah buu guursaday. Halkaas waxaad ka garan kartaa in arrinkaasu ahaa wax caada ah oo dhici jirey, dadkii waqtigaasina ay isku guursan lahaayeen. Ma mooddaa in haddii arrintaasi ceeb ahaan lahayd Muxammed (NNKH) loo aamusi lahayn ee lagu dacaayadeyn lahaa?Maxaa keenay inaad adiga arrinkaasi ku dacaayadaysa Nebiga (NNKH) ama ay tashwiish kugu furta maanta?

2. Haddii Nebi Muxammed (NNKH) aad leedahay wuxuu ku dhacay fal dembi ah oo gabar kayar buu guursaday, jaalle waalooga horreeyay Caa’isha soo doonisteeda oo intaanu Nebiga (NNKH) guursan kahor waxay udoonanayd nin la oran jirey Jubayr bin Mudcim. Taasoo markale kuu caddeyneysaa in arrintu ahayd wax dhici jirey oo hablaha lagu guursan jirey da’ yar.

3. Guurkii Caa’isha ee Nebi Muxammed (NNKH) wuxuu adkeeyay xiriirkii Abii Bakar oo meel wanaagsan Islaamka u taagnaa iyo Nebiga (NNKH), xikmaddaas ayaana kujirtay in Nebigu (NNKH) uu guursada.

4. Guurka Caa’isha ee Nebiga (NNKH), wuxuu ahaa amar Rabbaani ah, sida axaadiis saxiix ah ay tilmaamayaan, Jabriil maa muuqaalka Caa’isha Nebiga (NNKH) dhowr habeen riya ugu keenay asagoo oranaya waa afadaadii adduunka iyo aakhirada, markaas kadib ayuuna doonay Nebiga (NNKH). Xikmadda arrinkaasi kujirtayna waxay ahayd Caa’isha gabadh maskax fiican bay ahayd, cilmiga iyo axaadiistana iyada ayaa inta badan inasoo gaarsiisay, waxayna kujirtaa shanta qof ee saxaabada Nebiga (NNKH) ugu soo axaadiis werin badan. Dhanka kale waxay umadda Islaamka bartay habladhaqanka sowjka iyo sowjada iyo qaabka qoyska u wada noolaada, iyadoo casharra badan umadda Islaamka ka siisay dhaqankii suubbanaa ee Nebiga (NNKH). Waxay soo werisay in kabadan 2 kun oo axaadiis, oo u fiqi iyo axkaam ah, iyadoo ay jiraan boqollaal xadiis oo kaligeed laga soo weriyey oo saxaabi la wadaaga uuna jirin. Cilmiga ay Caa’isha keentay iyo axaadiista ay naga soo gaarsiisay xagga Nebiga (NNKH) haddii uuna guursan lahayd mana soo gaari lahayn, waayo xaasaskii Nebiga marka laga reebo Caa’isha tan ugu badan ma aanay soo werinin wax dhan 10 xadiis. Xikmaddaasi Rabbaaniga ayaana kujirtay amarkii Eebbe ee Nebigu uu ku guursaday Caa’isha.

5. Waxaa dhici karta in Mulxidiintu qaarkood ay yiraahdaan waala qasbay Caa’isha, waxaad tiraahdaa Caa’isha sida ay Nebi Muxammed (NNKH) ujecleyd cidna uma aanay jecleyn. Ayada ayaa ina bartay habka ugu wanaagsan ee sowjka iyo sowjada ay u jili karaan maxabbada iyo kalgacalka. Ayada ayaa umadda Islaamka casharra badan ka siiyay hab dhisna qoyska iyo nolasha wanaagsan ee reerka. Wixii ugu dambeeyay ee Nebiga (NNKH) intaanu dhiman afkiisa galay waxay ahayd raxiiqdii (candhuuftii) Caa’isha, waayo waxay u calaajisey caday oo inta ujilcisay udhiibtay si uu ugu cadayda, wayna ku faani jirtay arrinkaas.

Haddii arrinta guurka Caa’isha ay ahaan lahayd wax ceeb ah ama dhegaha u daran amaba aanan dhicin, jaalle boqorkii Room ee Hiraqal, iyo boqorkii Faaris ee Kisraa, iyo Abuu Jahal, iyo Abuu Lahab, iyo Cabdillaahi ibnu Salool (munaafaqii weynaa), Lubayd ibnu Acsam (Yahuudigii Nebiga sixray) iyo cadawgii Nebiga oo dhan ayaa ku dacaayadeyn lahaa. Laakiin waan ka xumahay, macal asaf arrinku wuxuu ahaa wax iska caadi ah, balse adiga su’aashaasi ay saamaynta kugu reebtay diintaadiina shakiga kaa gelisay ayaa caqligaga lagaaga dhacay wax iska caadi ah.

Si su’aashaas aad xal ugu hesho intaadan qoraalkaan dhan aqrinin, waxaa habboonaan lahayd inaad soo hubiso ayeeydaa inta sanee lagu guursaday.. Hubaashii waxay u dhawaan lahayd in lagu guursaday qayaasteyda da’da 13 jir ama kudhaw.

Allaahuma Salli wassalim Calaa cabdik wanabiyk Muxammed, wacalaa aalihi wassaxbih Ajmaciin. 

_____________________________________________
WQ: Mohammed Dahir Abdi
Email: mohamed1@live.fi
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.net, lama daabacan kara idan la’aan