Muxay tahay sababta ka danbeysa in Mareykanka uu Sacuudiga ka iibiyo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in la ansixiyay in dowlada Sacuudiga laga iibiyo Gantaalada ridada dheer.

Wasaarada ayaa sheegtay in Xukuumadda Washington ay go’aansatay in dowlada Sacuudiga ay ka iibiso Gantaalka loo yaqaan ”Thaad”.

Wasaaradu waxa ay tilmaantay in heshiiskan uu ku kacaya 15 bilyan oo dollar uuna yahay mid ay ku jirto danaha Maraykanka ee dhanka ammanka.

Dowlada Washington waxa ay sheegtay in Heshiiska Gantaalka looga iibinaayo Sacuudiga ay qeyb ka tahay xoojinta siyaasada arrimaha dibadda.

Gantaalka ayaa la sheegay in lagu xoojinaayo amaanka dalka Sacuudiga, oo ay colaad kala dhexeyso Kooxaha Shiicada iyo Daacish.

Sidoo kale, waaxda arrimaha dibadda ee mareykanka ayaa sheegtay in ay xoojin doonaan ammaanka Sacuudiga iyo dalalka kale ee gacanka xilli ay sii kordhayso khatarta ka imaanaysa Iiraan.

Qorshaha muuqda ee dowlada Mareykanka ayaa ah in colaado dadban loo abuuraayo dalka Sacuudiga, oo ay xiisad kala dhexeyso Qadar, Iiran iyo dowlado kale.

Mareykanka ayaa dowlada Sacuudiga siinaaya awood ka fac weyn, waxaana suuragal ah in Gantaalkaasi loogu hanjabo dowladaha kasoo horjeeda danaha Sacuudiga.

Geesta kale, Wakaalada iskaashiga ammaanka u qaabilsan Pentagon-ka ayaa sheegtay in hubkani ay ka iibinayso Sacuudiga uusan wax ka badali doonin isu dheelitirnaanta Militari ee gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com