Xeer Ilaaliyaha oo dalbaday in doorasho laga celiyo 8 kursi oo ka mid ah BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa ku baaqay in dib loogu laabto 8 Kursi oo ka mid ah Kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee uu muranka ka taagan yahay.

Xeer Ilaaliyaha waxa uu sheegay in go’aanka kasoo baxay Maxkamada Sare uu yahay mid u baahan in si rasmi ah loo dhaqan galiyo isla markaana la qanciyo shaqsiyaadka tabashada wada.

Xeer Ilaaliyaha waxa uu arrin fool-xun ku sheegay in laga talaabo amarka Maxkamada waxa uuna carab dhabay in Guddoomiyaha Maxkamada uusan ka libiqsan go’aankiisa isla markaana fuliyo.

Xeer Ilaaliyaha waxa uu intaa raaciyay in Guddoonka Sare ee baarlamaanka qudhiisa ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay banaanka usoo saaran Xildhibaanada qaabka Khaldan ku fadhiya Kuraasta.

Wuxuu tilmaamay in Xildhibaanada laga doonaayo inay tixgeliyaan oo ay maqlaan go’aanka Maxkamada ay gaartay dibna doorasho loogu celiyo Kuraansta ay tilmaantay Maxkamada ee Cadaalad darada iyo Musuqa ku soo baxay.

Dhinaca kale, waxa uu ka digay in la dhaliilsado amarka kasoo baxay Maxkamada Sare ee dalka.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
Caasimada@live.com