Muxuu Xiddig ka yiri guul darada maanta ka raacday doorashada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo looga guuleystay Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia ayaa ka hadlay guusha Jawaari iyo jabkii gaaray.

Xiddig ayaa sheegay inuu qiraayo in looga guuleystay Doorashada, waxa uuna cod dheer ku sheegay inuu ku qanacsan yahay guusha laga guuleystay.

Xiddig waxa uu Xarunta ka sheegay in Xildhibaanada u codeeyay ay aad u mahadsan yihiin, isla markaana uu Hambalyo gaara u diraayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cusub Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Jawaari ayuu sheegay in looga baahan yahay inuu noqdo Hogaamiye Daacad ah, isla markaana la imaado isbedel muuqda.

Xiddig waxa uu tilmaamay in guul daridiisu ay tahay mid dhiiri galineysa, waxa uuna ku celcelshay inuu ku faraxsan yahay nidaamka loo maray guusha laga gaaray.

C/rashiid Max’ed Xidig, ayaa helay 96 cod, waxa uuna noqday Musharaxa koowaad ee kusoo xigay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Dhinaca kale, Guusha Jawaari ayaa ka dhigan Guusha Xasan Sheekh, waxaana la saadaalinayaa in Doorashada Madaxweyninimo ee Somalia uu ku guuleysan doono Xassan Sheekh marba haddii uu guuleystay Jawaari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com