Muxuu yahay sanadka miillaadiga? (Diinta iyo micnaha 12-ka bil)

Haddaynu nahay ummad Islaam ah waxaa naga reebban u dabbaal degidda wax aanan ka ahayn ciidaha uu Ilaahay nagu fadilay ee ciidul fitriga iyo ciidul adxaha. Waxaa inaga reebban inaan la dabbaal degno umada lumay oo aan salaad waliba niraahno Ilaahayoow! jidkooda hana marsiin (Al maghtuubi calayhim, waladdaalliin).

Sanadka miillaadiga oo asliyan ah mid isbadbaddalo badan soo maray, ayna ku dheeleen boqorradii Roomaaniska, ayaa caawo buuxinaya 2013, taasoo ah tira aanan ina quseynin.

Dhawaan ayay ahayd sanadkeenna Islaamka, ee sixadiisu toosan tahay, isbad badallo badanna aanan soo marin uu inoo buuxiyey 1434, oo maantuna aan kujirna bishiisii labaad (Safar) ayna inoo marayso 17, kaasoo aan kusoo dhaweynay duco iyo kheyr, innagoonan waxba ixtifaal u samaynin.

Sow inaguma fool xumo inaan u dabbaal degno sanad aanan keenna ahayn, oo bishiisii kowaad ay ahayd Febraury, dabeetana lagu baddaley January. Augost iyadoo ay 1 tahayna loo wareejiyey 14, is baddalladaasoo ay horu mood u ahaayeen boqorradii Roomaaniska? Mase taqaan macnaha dhabta ah ee bilooyinkaasi?

1. Jaunary waa kalmad laatiini ah oo loola jeedo ILAAHA CADCEEDDA.

2. February oo ahayd bishii kowaad ee sanadka, oo markii dambe laga dhigay tan labaad, waa kalmad Frances ah oo luuqaddii hore ah, ficil ahaanna ka dhambaalmatay kalmadda ah Februalia. Waxaa loola jeedaa waqtiga cayiman ee kafaaragudka dembiyada diinta Nasaarada (masiixiyadda).

3. Mars, waa kalmad laatiini ah, oo macna ahaan loola jeedo ILAAHIGII DAGAALKA

4. Apriil, waa kelimad laatiini ah, oo asal ahaan ka dhambaalmatay ficilka ah ape rire, waxaana loola jeedaa ILAAHAYADDA GABADHA AH, EE U XILSAARAN Furidda albaabada samada, si ay qorraxda usoo baxdo kadib markay maqnayd muddo dhowr bilood ah xilliga barafka iyo xagaayga.

5. May, waa kelimad ka dhambaalmatay maia, oo Roomaanka ay u yaqaanneen ILAAHA QASABKA AH, EE WAX JAAJUUBO.

6. June waa kalmad ka dhambaalmatay luuqadda Franceska oo ah lone, laatiinkii horena ay oran jireen junius, oo loola jeeda ILAAH JOREN AMA YONER, oo macna ahaan loola jeedo ILAAHIGII DAYAXA IYO XAASKIISA OO WADA SOCDA, Roomaankii hore ayaa sidaas kumacneyn jirey.

7. July waxaa loogu magacday Qeysarkii Room ee la oran jirey Julios (Yuuliyos) oo jirey 44- 100 Ciise ka hor. Bishan magaceedii hore waxaa la oran jirey quintils, oo loola jeeday bishii shanaad, waa ka hor inta aan bisha January laga dhigin bisha kowaad ee sanadka, ee ay ahayd bishii labaad ee sanadka.

8. August, waxaa loogu magac daray boqorkii Roomaanka ee Qeysar Augost ee magaciisa saxda ah la oran jirey Auktaafiyoos, oo jiri jirey intii u dhaxaysay 14 illaa 63 Ciise ka hor. Magaca Augost waxaa boqorka loo bixiyey sanadkii 31 Ciise ka hor, markii uu ka adkaaday Antinio. Bishan inta boqorka lagu saminin, waxaa la oran jiran sextillis, oo loola jeeday bishii lixaad.

9. September, waxaa ay ka dhambaalmatay kalmad Roomanku ay adeegsan jireen oo ah Septem oo loola jeeday toddobo, taasoo tilmaamaysay bishan oo ahayd bisha toddobaad ee sanadka.

10. October, waxay ka dhambaalmatay kalmadda Octo, oo Roomaanisku ay adeegsan jireen, taasoo loola jeedo siddeed, oo tilmaamaysa bishan oo markaasi ahayd bisha siddeedaad ee sanadka.

11. November, waxay ka dhambaalmatay kalmadda Novem, oo Roomaanku ay u yaqaanneen sagaal, taasoo loola jeeday bishan oo ahayd bisha sagaalaad ee sanadka.

12. December, waxay ahayd kalmad ay Roomaanku u yaqaanneen 10 dhamaystiran, taasoo ay ula jeedeen bishan oo ahayd bisha 10-aad ee sanadka. Waxayna ahayd bisha ugu dambeyso ee sanadka Miilaaddiga, intaanan horey looga soo darin bilaha labada ah ee kala ah Jaunary oo ahayd bisha labaad ee sanadka, iyo February oo laga dhigey bisha kowaad ee sanadka. Dhowr qarni kadib ayaa mar kale la baddalay oo laga dhigey Jaunary bishii 1-aad ee sanadka, February bishii labaad ee sanadka.

Miyay mudan tahay waxa kani ee sidan isugu dhex qasan ee gaallimada inoo horseedaya inaan u dabbaal degno?

WQ: Mohammed Tahir Abdi

Email: mohamed1@live.fi