Natiijada baaritaanka kiiska Qalbi-Dhagax oo maanta loo gudbinayo BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo sabti ah Guddigii loo xil saaray kiiska Sarkaalka ONLF ee lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse ”Qalbi dhagax” ay warbixin dhameystiran horgeeyaan Golaha Shacabka.

Guddiga kiiskan loo xil saaray ayaa Guddoonka Sare ee baarlamaanka Somalia ku wargaliyay in warbixinta ku saabsan baaritaanka ay soo gudbin doonaan maanta oo sabti ah.

Guddiga ayaa sheegay in warbixinta ay gudbinayaan ay tahay mid ku saabsan asbaabaha kalifay in dowlada Ethiopia loo gacangaliyo Qalbi Dhagax iyo macluumaad hordhac ah oo muujinaaya xaqiiqda dhiibitaanka Sarkaalka ONLF.

Wasiirkii amniga xukuumadii hore ee Somalia C/risaaq Cumar Maxamed oo ah guddoomiye ku-xigeenka guddiga golaha Shacabka ee loo xilsaaray kiiska Qalbi Dhagax, ayaa sheegay inay u harsan tahay keliya qoritaanka warbixinta.

C/risaaq Cumar, waxa uu sheegay in baaritaankooda uu hadda maraayo meel gabo gabo ah isla markaana ay soo bandhigayaan macluumaadka u hirgalay inta ay soctay baarista.

”Xildhibaanadu waxa ay maanta naga sugayaan inaan hordhigno natiijada baaritaanka kiiska Qalbi Dhagax oo dhameystiran balse waxaa nagu harsan qorista warbixinta oo wakhti u baahan” ayuu yiri C/risaaq Cumar.

Waxa uu sheegay in golaha Shacabka ay horgeynayaan warbixin tifaftiran oo dhan walbo ay ka soo baareyn.

Sidoo kale, guddigaan oo la magacaabay 18 bishii hore ee September ayaa ka kooban 15 Xildhibaan oo ka tirsan golaha Shacabka, kuwaa oo xooga saaray baaritaanka inkastoo ay jiraan caqabado ka hor imaaday inta uu socday baaritaanka.

Geesta kale, waxaan la ogeyn in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ku qanci doonaan natiijada baaritaanka kiiska Qalbi Dhagax iyo inkale, maadaama ay miisaan leeyihiin Xildhibaanada mucaaradka ee kasoo horjeeda dhibitaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com