Nin Xaaskiisa Dilay, Dabadeedna Cunay Qayb Ka Mid Ah Jirkeeda

NYERI, KENYA(Caasimada Online) Warbixin uu qoray wargeyska The Stander ee ka soo baxa dalka Kenya, ayaa lagu sheegay nin reer Kenya ayaa dilay xaaskiisa, dabadeedna wuxuu cunay qeybo ka mid ah jirkeeda.

Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalo lagu magacaabo Mweigaoo ku taalla galbeedka Kenya.

Wuxuu ahaa ninka Beeraleey, aad ayuu u careesnaa, sidaas ayaana keentay in uu dilo xaaskiisa, isla markaana uu cuno qayb ka mid ah jirkeeda.

Sidoo kale waxa uu ilmo yer oo uu dhalay cabsiiyay dhiiga hooyadood sida ay lee yihiin bilayska waddanka Kenya.

Ninkan ayaa magaciisa lagu sheegay Morris Mutuma Mutegi, waxana uu mardambe isku dhiibay ciidamada bilayska kuwaasoo soo xiray.

Illaa hadda si rasmi ah looma oga wax yaabaha ku kalifay ninkan in uu xaaskiisa sidaas yeeelo, laakin dadka deeganka waxa ay lee yihiin waxa u dhexeeyay khilaaf baahsan.

Morris Gituma Mutegi,waa 23-jir, xaaskiisa ayaa lagu magacaabi jiray Caroline Gatwiri, waxa ay jirtay 22-jir

Waxa ay noqotay dhacdan mid si weyn looga hadalyo waddanka Kenya oo dhan, gaar ahaan xaafadda ay ka dhacday shilkan.

Ma ahan wax ku cusub waddanka Kenya dhacdooyinka sidan oo kale, bishii la soo dhaafay ayaa nin reer Kenya ah, wuxu dilay afar ka mid ah carruurtiisa iyo hooyadood, markii ay la soo daristay shaqo la’aan baahsan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi