NISA oo qabatay mooto ay ku rarnaayen jaakadaha Qaraxyada

Afgooye (Caasimada Online) – Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ayaa goordhow gacanta ku dhigay Mooto ay ku rarneyd Jaakado nooca ismiidaaminta loo adeegsado.

Ciidamada ayaa Mootada ku qabtay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, xili ay Mootadu waday rar Jaakado nooca Qaraxyada loo adeegsado.

Sargaal ka tirsan Ciidamada NISA ayaa sheegay in xogo ay ka heleen dadka deegaanka ku qabteen Mootada iyo Seddex ruux oo la soctay.

Sargaalka ayaa sheegay in iminka ay wadaan baaritaan ku aadan halka ay Mootada ka imaaday iyo halka ay u siday Qaraxyada.

Dhinaca kale, Saraakiisha NISA ee Degmada Afgooye ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay warbaahinta usoo bandhigi doonaan sawiro cadeyn ah.

Caasimada Online

Xafiiska Afgooye

Caasimada@live.com