Obama oo heli doona lacag ka badan middii uu helay intii uu ahaa madaxweynaha USA

Washington (Caasimada Online) – Sideedii sanno ee lasoo dhaafay Barack Obama wuxuu fadhiyey White House, si kastaba ha ahaatee, haatan oo uu xilka ka degay Obama iyo qoyskiisu waxay bilaabi doonaan tallaabooyin ay ku raadinayaan inay tabcaan hanta ka badan middii usoo xarootay 8dii sanno ee lasoo dhaafay.

Intii uu ahaa madaxweynaha Mareykanka, Obama waxaa usoo xarootay 12 milyan oo dollars, sababtoo ah sannadkii wuxuu mushaar ahaan u qaadanaayey 400 kun oo dollars.

Haatan wuxuu yahay madaxweynihii hore ee Mareykanka, wuxuuna sannad kasta qaadan doonaa 200 kun oo dollars inta cimrigiisa ka dhimman.

Haddii wax walba sida la saadaaliyey ay ahaadaan, Obama ayaa la saadaalinayaa inuu heysto 100 milyan oo dollars muddo 10 sanno ah gudahood.

Si kastaba ah ahaatee, Barack Obama wuxuu daaha ka qaaday in waxyaabaha uu jeclaan lahaa ay ka mid tahay inuu laba Isbuuc si toos ah u hurdo… Balse aysan u suurtogeleynin sababtoo ah Obama iyo xaaskiisa waxaa markasta looga yeeri doonaa xaflado heer sarre ah si ay hadal uga soo jeediyaan.

Barack Obama wuxuu si gaar ah u sheegay inuu sidoo kale buugaag qori doono, waxaana sii dheer lacagta uga soo xaroon doonta xaflad kasta oo uu ka hadlo. Sida iska cad waa nin tayo leh marka uu makaroofanka qabsado. Sidaas darteed wuxuu ku heli doonaa HAL milyan oo dollars markasta oo uu hadlo. Xaaskiisa Michelle Obama ayaana qaadan doonta 250 kun oo dollars markasta oo ay xaflad gaar ah hadal kasoo jeediso.

Sida ballanku yahay haddii ay qoraan buugaag u gaar ah, Michelle Obama waxay ka heli doontaa inta u dhexeysa 10 illaa 15 milyan oo dollars, halka Obama uu qandaraaska qoraalka buugaagta ku qaadan doono 12 illaa 30 milyan oo dollars.

Durba Obama wuxuu qoray seddax bug oo kala duwan. Wuxuuna isha ku hayaa inuu qoro buugaag kale. Sannadkii 2015kii ayuu 56 kun oo dollars ka helay keliya buug uu qoray. Halka 5.1 milyan oo dollars uu ka helay labadiisii buug ee The Audacity of Hope iyo Dreams from My Father sannadkii 2009kii.

Haddii uu xaalku sidaan sii ahaado Obama wuxuu heli doonaa lacag ka badan middii uu helay intii uu ahaa madaxweynaha Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Washington
Caasimada@live.com