Obama oo jawaab kulul kasoo saaray amarkii guracnaa ee Trump

Washington DC (Caasimada Online) – Xafiiska Barack Obama ayaa soo saaray war qoraal ah oo uu ku sheegay, in madaxweynaha hore ee Maraykanka uu la dhacay dibed baxyada ballaaran ee looga soo horjeedo amarka uu madaxweyne Trump ku mamnuucayo dadka ka yimaada waddamada Muslimka ah qaarkood.

Afhayeenka Obama, Kevin Lewis ayaa sheegay in hogaamiyaha hore uu si weyn u khilaafsan yahay in dadka loo takooro diinta ay aaminsan yihiin.

Waxa uu sheegay in ay tahay in la dhagaysto shacabka muujinaya dareenkooda, islamarkaana mar waliba la raaco qiyamka uu ku dhisan yahay Maraykanka.

“Madaxweynaha kuma raacsan in dadka lagu sooco sabab la xiriirta diintooda ama gobolka ay kasoo jeedaan” ayaa lugu yiri bayaanka uu soo saaray afhayeenka madaxweyne Obama Kevin Lewis.

Dhanka kale, in ka badan hal milyan oo qof oo ku nool Britain ayaa saxiixday dalab ay uga codsanayaan dowladda inay baajiso booqashada la qorsheynayo inuu Trump ku tago dalkaasi dabayaaqada sanadkan.

Dalabkan ayaa jawaab u ah amarka uu soo saaray madaxweyne Trump oo ka dhan ah qaxootiga.

Kuwa ka dambeeya dalabkan ayaa ku doodaya in boqorada ay ceeb ku tahay haddii Trump uu booqdo Britain.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com