Odayaasha soo xulay baarlamaanka oo cabsi ay la soo daristay.

Muqdisho (Caasimada Online)  Kaddib markii labo cisho ka hor lagu dilay magaalada Muqdisho oday –dhaqameedkii labaad ee soo xulay baarlamaanka Soomaaliya, ayaa odayaasha ku sugan magaalada waxay sheegeyn in ka walwalsan yihiin nafsadooda, iyagoona sheegaya in ay ka cabsi qabaan in la dilo.

Qaar ka mid ah odayaashaas oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqidsho ayaa dowladda ugu baaqay in la illaaliyo oo daryeel loo fidiyo.

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo ka mid ahaa odayaashii ka hadlay shir jaraa’id ayaa sheegay in dhammaan odayaasha dhaqanka ee ku sugan Muqdisho loo dili doono siddii loo dilay Maxamed Maxamud oo kooxo hubeysan ay ku dileen xaafadda Nasteexo ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu dowladda ugu baaqay in ay ka fikiraan nolasha iyo ammaanka odayaasha soo xulay baarlamaanka Soomaaliya.
Waxay dhammaan sheegeyn in aysan mudneen in midba hal maalin loogu dilo magaalada maadama ay ay dalka ay ka bixyeen marxaladdii kumeel gaarka ahayd.

Ugaas Xaashi ayaa ugu dambeen dowladda ugu baaqay in ay xil iska saarto ammaanka odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwii ka qayb galay ansixinta dastuurka dalka isla markaana soo xulay mudanayaasha baarlamaanka.

Dowladdii hore ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxay horrey u sheegtay si weyn ammaankooda loo adkeen doono odayaashii ka qaybgalay ansixinta dastuurka iyo soo xulida baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho